Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey Dalladda Aqoonyahanka ee Horseed oo ku soo Biiray

Hargeysa – (warsoor) – Xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa soo dhaweyn ballaadhan u sameeyey dhallinyarada iyo aqoonyahanka ku bahoobay dalladda HORSEED oo ka dhisan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, gaar ahaan Koonfurteeda iyo dibadda Somaliland.

Xaflad si qurux badan loo agaasimay qaabilaadda xubnaha hoggaanka dalladda HORSEED oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta, wax aka qaybgalay hoggaanka xisbiga KULMIYE oo uu ugu horreeyo Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, xubaha kale ee hoggaanka, wasiirro ah, saraakiisha xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex, hoggaanka dalladda aqoonyahanka HORSEED ee xisbiga ku soo biiray, taageerayaashooyada iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo bogaadin iyo soo dhaweyn u badan, kuwaas oo lagu sharraxay midnimada dhexmartay xisbiga iyo dalladdan ay ku midoobeen da’yarta ka shaqaysa horumarinta bulshadooda ee ku kala sugan gudo iyo dibadba.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil, ayaa soo dhaweeyey dalladda aqoonyahanka HORSEED oo dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba ay xubnaheedu joogaan, waxaanu shaaca ka qaaday inay hubaal tahay in cuddoooda iyo caqligooduba ay wax weyn soo kordhin doonaan.

Siciid Xaashi Cabdillaahi oo isagu ah agaasimaha dalladda aqoonyahanka HORSEED, ayaa sharraxay qaybaha kala duwan ee ay dalladoodu ka kooban tahay, waxaannu sheegay inay xubno ka yihiin ugu yaraan 650 aqoonyahan sita shahaadooyinka jaamacadaha ee kowaad, labaad iyo ilaa ta u sarraysa oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, kuwas oo ay hoggaamiyaan 40-xubnood oo hawlaheeda gacanta ku haya, halka ay guddideeda fulintuna ka kooban tahay 13-xubnood.

Guddoomiyaha Dhallinayarada Dalladda HORSEED Mr. Cabdiraxmaan Suudi,  ayaa soo bandhigay sababta kalliftay in aqoonyahanka ku bahoobay dalladoodu ku biiiraan xisbiga KULMIYE, waxaannu xusay inay daraasad ku sameeyeen saddexda xisbiba, waxaannu yidhi, “Saddexda xisbi ee dalka ka jiraba wadahadallo ayaanu la soo galnay, waxaanuna samaynay cilmi-baadhis oo saddexda masuul ee xisbiyada ugu sarreeyaba waxaannu weydiinay su’aalo isku mid ah, waxaana hammigayagu yahay inaannu helno dawlad wanaagsan oo sarraynta sharcigu tahay waxa keliya ee bulshada hagta oo shacabkeedu la xisaabtamo, waxaanuna caddaynaynaa inuu Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi noo ballanqaaday inuu caddaaladda iyo sharciga ilaalin doono, waxaannuna hiil qaran ku siinaynaa in xidhiidhada caalamiga ah la kordhiyo, sidaa darteedn waxaan taageerayaasha dallada Horseed ugu baaqayaa inay hiilkooda iyo taageeradoodaba ku biiriyaan xisbiga KULMIYE.”

Sidoo kale, Ridwaan Barre, Guuleed Caydiid iyo Cabdirashiid Xuseen Jaamac oo isagu ah afhayeenka dalladda aqoonyahanka HORSEED oo hadallo ka jeediyey xafladda, ayaa dhammaantood si isku mid ah u sheegay inay la dhacsan yihiin xisbiga KULMIYE iyo qaabka uu doonayo inuu u maamulo dalka sannadaha soo socda, isla markaana ay hiil iyo hooba la garab geli doonaan.

Marwo Rooda Cabdi Muuse iyo Marwo Aamina Raabi oo bahweynta KULMIYE ka mid ah oo iyaguna madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa si hufan u soo dhaweeyey aqoonyahanka dardarta qaba ee xisbiga ku soo biiray, waaxanay tilmaameen in aragtidooda si weyn loo soo dhaweeyey.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), ayaa isagoo u tilmaamaya dhallinyaradan doorka looga baahan yahay inay u galaan Murrashax Muuse Biixi waxa uu ka sheekeeyey dhacdooyin hore u dhexmaray Madaxweyne Marxuum Cigaal iyo abtiyayaashii “Marka doorashada la dhaafo lababa dhinac baa la isku barbardhigi doonaa Muuse iyo Marxuum Cigaal, dhinacna waxa la isku barbaridhi doonaa qoladii iyaga oo salaad ku jira yidhi ABTI AAAMMIIIIN iyo innagana (beeshiisa), Ina Cigaal-na abtiyaashii Aaammiin buu kaga yeedhsiiyaye Muuse-na waxa la rabaa ta uu Abtiyaashii kaga yeedhsiin lahaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Jaamac Shabeel.

Xoghayaha Guud ee KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, Afhayeenka guud ee xisbiga Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dhaqaalaha Md. Axmed Xasan Carwo oo iyaguna halkaas hadallo kooban ka jeediyey, ayaa ku hambalyeeyey dhallinyarada aqoonyahanka bahda HORSEED go’aanka ay qaateen, iyagoo si wayn ugu soo dhaweeyey xisbiga KULMIYE oo ay u tilmaameen inuu yahay mid aan la kala lahayn oo u dhex ah dadka, waxaanay tilmaameen inay kor-u-qaadi doonaan laxaadka iyo tayada xisbiga.

Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isaguna sheegay in xisbiga KULMIYE yahay madal da’yarta lagagala dagaallamo qabyaaladda, isla markaana ay ku urureen dad ay dhiigooda raacday Somalilnad-nimadu, waxaanu yidhi, “Ururka HORSEED iyo dhallinyarada kale ee mustaqbalkooda ay qabyaaladdu ragaadisay waxay xisbiga KULMIYE ka helayaan fagaare iyo madal laga barbaariyo oo dhallinyaradeena lagagala dagaallamo qabyaaladda, waxaanan idin leenahay xisbiga KULMIYE ugu iman maysaan mid Xamar ka yimi oo qaranka khiyaamo ka soo galay, waxase ugu imanaysaan rag iyo dumar mintid ah oo Somaliland inay wax u kordhaan diyaar u ah, innaguna taas ayeynu ka wadashaqaynaynaa oo aad aqoontiina iyo cilmiga aad barateen gelinaysaan.”

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si weyn ugu mahadnaqay dalladda dhallinyarada aqoonyahanka ee HORSEED, waxaannu hoosta ka xarriiqay inuu dadaal u geli doono sidii loo heli lahaa sifooyinka ay leedahay dawladda ay aqoonyahanku sheegeen inay doonayaan, isagoo xusay in da’yarta looga baahanyahay inay dhib kasta oo jirta xalkeeda doonaan, “Horseed waxaan leeyahay waxaan idinku raacsanahay oo aan idiin ballanqaadayaa inaad heshaan nooca dawladda aad sifayseen, dhibaatooyin badan oo Somaliland ina hortaaganina way jiraan oo adduunku ma qabyo-baxo, laakiin dhibaatada dadka xoogga ah ee nool baa xalliya,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.