Guddoomiye Cirro oo Jawaab Adag Siiyey Wasiiro Dhawaan Sheegay in Aan Laga Hadli Karin Arrinta Saldhiga Berbera

Hargeysa – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa mar kale si adag uga hadlay Saldhiga Ciidanka ee dawladda Imaaraadku ay ka sameysaneyso Madaarka Berbera, waxaana uu sheegay in uu sharci darro ahaa heshiiskii laga ansaxiyey Baarlamaanka ee saldhiggaasi isla mar ahaantaana aanay marnaba ka aamusi doonin ka hadli taanka arrinta Saldhiga Berbera, isaga oo sida oo kale na ka hadlay wasiiro dhawaan sheegay in aan laga hadli karin arrinta saldhiga, isaga oo si aada carabka ugu adkeeyey in qof kasta oo reer Somaliland ahi uu ka hadli karo arrinta saldhiga Berbera maadaama ay saameyn ku lee dahay noloshiisa sida oo kale na uu yahay muwaadin reer Somaliland ah.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayey xaflad sannad guureed oo koox dhallinyar ah oo kubaddeed ay ku qabsadeen magaalada Hargeysa, waxaana uu ugu horreyn uu u hambalyeeyey dhallinyartaasi isaga oo carabka ku dhuftay in uu ku boggaadinaayo dedaalka ay muujiyeen iyo weli ba sida oo kale sida ay iskugu duuban yihiin, isaga oo ganacsatada Somaliland u soo jeediyey in ka qeyb-qaataan doorkooda ku aadan kobcinta ciyaaraha iyo weli ba sida oo kale madadaaleysiinta da’yarta Somaliland si loogga badbaadiyo in ay ku dhacaan Tahriibta.

“Marka hore aad iyo aad ayaan u boggaadinayaa dhallinyarta maanta halkan ku qabsaneysa xafladda ay ugu dabbaal-degayaan sannad guuraddoodii Lixaad ee ciyaaraha, waxaana aan si gaara ugu mahad-naqayaa ninkaa dhallinyarada ah ee kooxdan hada gacanta ku haya, runtii waa nin idinka idin leeg, waxaana aan qirayaa runtii in uu yahay tusaale lagu deydo, markaa aynu sacabka u tunno, ganacsatada kale ee SOmaliland na waxa aan u soo jeedinayaa in ninkaas ay ku deydaan oo meheraddiisu waa meherad yar se waxa aynu lee nahay meherado badan, tujaar badan iyo meherado badan ba waynu lee nahay, markaa siddii halkan laga sheegay waxa aan u soo jeedinayaa in ay dhiiri-geliyaan dhallinyarada, waxaana aan ku faraxsanahay in ninkii Kirix kooxda uga horreeyey uu ahaa mudane ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo ahaa Xildhibbaan Xasan Cawaale, isaga na waan hambalyeynayaa mudadaas dheer ee uu kooxda gacanta ku soo hayey, marka kale na waan hambalyeynayaa Kooxdan oo hadda Lix jirsaday, waxaana aan rajeynayaa in ay ka soo dhex baxaan dhallinyaradii u ciyaari lahayd Somaliland ee magaceeda kor u qaadi lahayd.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Dr.Cirro, waxa kale oo uu halkaas kaga dhawaaqey in ka Xisbi ahaan ay lacag dhan Kun Doollar ku caawinayaan misna ay kaga qeyb-qaadanayaan siddii dhallinyartaas loo dhiiri-gelin lahaa ee loogga ilaalin lahaa balwadaha isaga oo u rajeeyey in ay qarankooda anfacaan, waxaana uu yidhi: “Waxa kale oon halkan kaga dhawaaqayaa in ka Xisbi ahaan aanu lacag $1000 ah kaga qeyb-qaadaneyno dhiiri-gelinta iyo kobcinta ciyaaraha ee Kooxda Kirix, waxaana aan rajeynayaa in aad noqon doontaan kuwii dalkooda anfaca.”.

Guddoomiye Cirro, waxa uu Alle ka baryey in uu abaaraha ka soo jebiyo Somaliland, waxaana uu yidhi: “Waxa aynu ku jirnaa xili abaar ah oo aad u adag runtii ayeynu ku jirnaa haddii aynu Somaliland nahay iyo geeska ba, dadkii na dhibbaato ayaa haysata, gaar ahaan dadka aan magaalooyinka ku nooleyn ee miyiga ku nool, markaa abaarahaas na Alle ha inaga soo jebiyo oo Raxmaadkiisa ha ina soo waraabiyo.”.

Murashax Cirro, waxa kale oo uu wasaaradda dhallinyarta iyo ciyaaraha uu ku dhaliilay in ay si aada u hagratay wax ka qabashada baahiyaha kala duwan ee da’yarta isaga oo si toosa u taabtay dhaliilaha wasaaradda dhallinyarta iyo ciyaaraha Somaliland.

“Waxa aan qabaa in wasaaradda dhallinyarta iyo ciyaarahu ay waajibaad u hayso qaranka, laakiin sannad walba waxa aan la kulmaa kooxo kubaddeed oo ka yimi goballada oo ka cabanaaya kharashaadkii iyo nooligii baabuurta oo ka go’ay, garoomaddii waa taas laga sheekeynaayo oo aad bay u dayacan yihiin, wasiir ku xigeenka Ciyaarahu na halkan waxa uu ka sheegay oo uu kaga faanay waa garoon ay dhisayaan muwaadiniin reer Somaliland ah oo uu hada waxtarkii ka dhigay.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa kale oo uu hoga-tusaaleeyey in qaranka Somaliland la wada lee yahay mucaarad iyo muxaafad ba isla mar ahaantaana ay waajib tahay in kolba ciddii talada dalka haysaa ay umadda wax u qabato halka ciddii kale mucaaradka ahi na ay waajib ku tahay in ay sheegaan hadba meelahii u baahan in la gufeeyo ee dhalliili ka muuqato, waxaana uu yidhi: “Shalay KULMIYE, ayaa ahaa mucaarad, maanta na WADDANI baa ah mucaarad, qaranku na waa uu inaga dhaxeeyaa oo inagaa wada leh ama mucaarad aynu wada noqono ama muxaafid aynu wada noqono, ninka xukunka haya na waxaa loogga baahan yahay in uu wax qabto, ka kale na in uu tilmaamo galdaloolada jirta ayaa loogga baahan yahay, markaa haddii galdalooyinka la tilmaamo wasiirku wuu xanaaqay ee yaan aad loo xanaaqin horta.”.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, waxa kale oo uu ka yaabay sababta inta badan ay mas’uuliyiinta iyo taageerayaasha Xisbiga KULMIYE u hadal hayaan xilka keliya ee uu ka hayo Baarlamaanka isaga oo sheegay in taas dhiggeed ay hayaan xilal badan oo kale, balse waxa uu Alle ugu mahad-celiyey in xilkiisa uu hayo iyo weli ba xilalka Xisbiga KULMIYE ee qaranka oo dhammi ay isku mid noqdeen.

“KULMIYE malaha xilka golaha Wakiilada een hayo uun baa ka maqan, wasaaradahii isagaa haysta, maareeyayaashii isagaa haysta, badhasaabaddii isagaa haysta, maayaraddii isagaa haysta, markaa haddii xilka guddoomiyenimo een ka hayo golaha Wakiiladu haddii ay u dhiganto inta KULMIYE haysto oodhan dee waa Alxamdulillaahi Rabbil-Caalamiin.”.Ayuu yidhi Cabidraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha WADDANI, waxa kale oo uu si aada uga hadlay arrinta Saldhiga Berbera, waxaana uu cod dheer ku sheegay in saldhiggaasi aanu wax faa’iido ah u lahayn qaranka jamhuuriyadda Somaliland isla mar ahaantaana uu si aada uga soo horjeedo.

“Arrinta Saldhiga meelo badan baan kaga hadlay, dooda na waan kaga qeyb-galay, maanta na waan ku celinayaa oo mar muwaadin baan ahay oo nin reer Somaliland ah baan ahay, waxaana aan xaq u lee yahay dastuurkuna uu ii siinayaa in aan fikirkeyga cabiro, marna mas’uul baan ahay oo xil baa i saaran, hore ayaan uga hadlay wixii ka dhacay fadhigii wada-jirka ahaa ee labada gole, wasiirka na mid baan u sheegayaa oo in aan golaha imaado iyo in aanan imanin isaga kuma xidhna ee aniga ayey igu xidhan tahay, markaa wasiirka waxa aan lee yahay wasaaraddaada ka sheekee ee Baarlamaanka ha ka sheekeyn, xukuumadda Somaliland dastuurka ayaa siiyey awooda ugu badan qaranka, waxa ay xaq u lee dahay oo aan doonayaa in aan mar kale ku celiyo, dhowr jeer oo hore na aan idhi in ay Xukuumaddu heshiis gasho iyada oon weydiisan Baarlamaanka iyo Guurtida toona midna, xaq dastuuri ah bay u lee dahay in ay gasho, laakiin waxa xaq looggu lee yahay in ay golaha keento wixii ay soo gashay, wixii ay Xukuumaddu keentay waad garaneyseen, waxa ay ahayd waraaq cad oo habeenimaddii la soo daabacay oo aan heshiis ahayn oo la lee yahay waa heshiis, xildhibbaanadii yidhi heshiiskaas ha la keeno na waad ogeydeen wixii ku dhacay oo waa la garaacay iyaga oo weli ba xasaanad leh, xildhibbaanka lama garaaci karo lama xidhi karo, fikirkiisa na lagu ma ceebsan karo, intaasi ba dastuurka ayey ku qoran tahay in uu xaq u lee yahay.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

Ugu dambeyntii Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, waxa uu si adag u la hadlay wasiiro maalmo dhaweyd sheegayey in aan laga hadli karin arrinta Saldhiga Berbera isaga oo cod dheer ku sheegay in ay mar walba ka hadlayaan isla mar ahaantaana qof kasta oo muwaadin ahina uu xaq dastuuri ah u lee yahay ka hadli taanka arrinta saldhiga Berbera, waxa kale oo uu ka hadlay khatarta ka dhalan karta saldhiggaasi iyo weli ba saameynta colaadeed ee uu ku yeelan karo Somaliland.

 

“Wasiiro ayaan ka maqlaayey leh laga ma hadlo karo saldhiga, Saldhiga Somaliland baa laga sameynayaa, muwaadin kastaana xaq buu u lee yahay in uu ka hadlo, anigaa ka hadlaaya, idinku na waad ka hadli kartaan ama taageera ama ka soo horjeesta laakiin in uu ka hadlo muwaadinku xaq buu u lee yahay, waa laga hadlayaa saldhiga, waa laga hadlayaa, muwaadinku xaq buu u lee yahay, waxaana aanu u aragnaa oon anigu u arkaa oo Xisbiga WADDANI u arkaa in aan Somaliland dan ugu jirin, waxa aanu u aragnaa in dagaalka hareeraheena ka socda loo soo dhoofinaayo Somaliland, waxa aan idiin sheegayaa aqaladdiinu maaha nabad-gelyo maanta oo Somaliland waxa ay tidhi weli ba wasiirka Madaxtooyadu dagaalka qeyb baanu ka nahay, goormeynu qeybta ka noqoney, yaa ansaxiyey, baarlamaan lama keenin, madaxweyne kuma dhawaaqin, dagaal aynu qeyb ka nahayna ma jiro. Xukuumaddu na marka ay heshiiskaas saldhiga ay keento xaq bay u lee dahay in loo oggolaado iyo in loo diido ba, laakiin waxba ba may keenin ee waxa aanu lee nahay horta heshiiska keenaa, weli ba waxa la lahaa cid kalaa saxeexday ee halkaana ha caddeyso haddii cid kale saxeexday iyo haddii kale ba waxa loo qarinayaa way soo bixi doonaan.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.