Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Soo kormeeray Goobaha Diiwaangelintu Ka socoto ee Gobolka Maroojid-jeex

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Ku Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo kormeer indho-indhayn ah ku sameeyo goobo ka mid ah gobolka maroodi-jeex oo ay ka socoto diwaan-galinta codbixiyayaasha.

Kormeerkan maanta waxaa madaxweyne ku-xigeenku wehelinaayo xubno ay ka mid ahaayeen Wasiiru-dawlaha Arimaha gudaha Mudane, Maxamed Muuse Diiriye, Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Xisbiga Kulmiye, Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Duqa Caasimadda, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) iyo masuuliyiin kale ayaa saaka kormeeray goobaha diiwaangelinta cod bixiyayaasha ee degmooyinka Caasimadda qaarkood.

Cabdiraxmaan_Saylici

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Saylici oo warbaahinta la hadlay markii uu soo dhameeyey kormeerkiisii ayaa yidhi, “Ma jirto sir aynu leenahay iyo xogo inaga inoo gaara oo dalalka dibadu u gudbaysa, sida ay sheegayaan kuwa nashuushadaynaya hamsami u socodka diiwaangelinta codbiyayaasha, kuwaasoo ku sheekeeya in xogaha laga qorayo qofka isdiiwaangelinaya ay helayaan dalalka shisheeye sidaana hadhow qofka haduu dibada tago lagu ogaanayo inuu Somaliland u dhashay, taasina waa waxaan sal iyo raad toona lahayn wax xoga oo inagu aynu leenahay oo debeda inooga baxayaana ma jiro”.

Md. Cabdiraxmaan Saylic ayaa dadweynaha gobolka Maroodi-jeex ku booriyey inay diwaan-galinta si weyn uga qayb-qaataan oo ay ka faa’iidaystaan wakhtiga kooban ee loo qoondeeyey in diwaan-galinta gobolka Maroodi-jeex lagu soo gabo-gabeeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.