Hargaysa – (warsoro) – Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu amray hay’adaha amaanka Qaabilsan inay dhaqan-galiyaan wareegtaddan lagu xoojinaayo qaadashada kaadhadhka muwaadiniinta iyo Ajaanibka dalka jooga.
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo bishii 31 March, 2016 soo saaray digniin lagu farayaayo in la qaata kaadhadhka Aqoonsiga muwaadinka iyo Ajaanibka, ayaa maanta oo isniina lagu faray hayadaha amnigu inay waydiiyaan muwaadinka iyo ajaanibka gaadhadhka aqoonsiga.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Cali MAxamed Waran-cadde ayaa manta Soo Saaray Wareegto uu ku amrayo Ciidamada Boliska , Laanta Socdaalka iyo Sirdoonka Qaranka Somaliland
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa wareegtadiisan ku yidhi, “Sidaas awgeed waxaa la bilaabayaa olole lagu baadhayo dadka laguna kala saarayo Qofka muwaadinka ah ee sita Kaadhka aqoonsiga Dhalashada ama Kaadhka Degenaanshaha ajaanibka. Waxaanay ciidamada amnigu billaabi doonaan Baadhis Iyo In Dadka La Joojiyo iyadoo baabuurtana lagu joojin doonaa waddooyinka.
Waxaana Dadkaa la weydiin doonaa: Kaadhka Aqoonsiga Muwaadinka iyo Kaadhka Degenaanshaha Ajaanibka
Hadaba waxaa la idin farayaa in aad u diyaar garawdaan habeenka arbacadu soo galayso ee bishu tahay 11/05/2016 iyada oo ay hawshan ka qayb gali doonaan Ciidamada Boliska, Waaxda socdaalka iyo Sirdoonka qaranka JSL.”
This post is also available in:
Somali