HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qaybgalay munaasibad ay ururka DANWADAAG laba Booyadood oo kuwa biyaha lagu dhaamiyo ah ugu wareejinayeen maamullada degmooyinka Burco iyo Hargeysa.