Madaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo Dhawaan la caleemo Saaray

Hargeysa – (Warsoor) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa Maanta Qaabilay Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo Dhawaan xilkaasi loo caleemo Saaray Ka dib Markii uu Geeriyooday Allaah Haw naxariistee Aabihii Suldaan Cumar Suldaan Maxamed.

Kulankan oo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyadda ayaa waxa ku wehelinayay Wasiirka arrimaha Dibadda Dr. Ciise Kayd, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Liibaan Yuusuf, Taliye Ku Xigeenka Booliiska Sareeye Guuto Cabdi Xasan Xildhibaan Maxamed Rambo, Madax dhaqameed iyo Siyaasiyiin kale oo ka soo Jeeda Beesha Uu Suldaanka U Yahay Dr. Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cumar.