Magacyadda Macalimiinta Jaamacadaha Iyo Dugsiyadda Sare Ee Uu Madaxweynaha Somaliland Xilalka u Magacaabay


HARGEYSA – (WARSOOR) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Intii Uu Talada Hayay Xukuumadiisa Ku Soo Daray Oo Magacaabay Masuuliyiin Markii Hore Ku Xoogsan Jiray Xirfada Macalinimada Ee Jaamacadaha Dalka Iyo Dugsiyadda Sare.

Masuuliyiintan Oo Intii Aan Ka Gaadhnay Aanu Soo Uruurinay Ayaa Waxa Ugu Horeeya Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland Cumar Cabdilaahi Badde iyo Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Albaani.

Sidoo Kale Waxa Ka Mid ah Wakiilada Somaliland Ee Ethiopia Axmed Maxamed Cawad, Ku Xigeenkiisa Barkhad Kaariye, Ku Xigeenka Wakiilka Somaliland Ee Nairobi Sharmarke Geelle.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Maxamed cabdi Gurxan, Agaasimaha Guud Ee Maalgashiga Maxamed Cismaan Siciid, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood Oo Isagu La Sii Jaan Qaaday Xukuumadii Hore Ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud.

Ku Dar Macalinkaaga aan Ka Tagay Ee Xilka Loo Magacaabay iyo una Yeedh Saaxiibkaa Oo Nala Wadaaga Macalinkee Baa Wax Ku Soo Baray?