Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilkii La Wareegay

HARGEYSA – (WARSOOR) – Waxa Gudaha Xarunta wasaarada Gaashaandhiga JSL lagu qabtay Munaasibad xil wareejin ah oo ay xilalka kula kala wareegayeen kusimihii Agaasimihii Hore ee wasaarada Gaashaandhiga iyo agaasimaha Guud.

Waxa madasha ka soo qayb galay Gudoomiyaha Hay’adda Maamul wanaaga iyo la dagaalka Musuq Maasaqa, gudoomiye kuxigeenka golaha dhexe ee Xisbul xaakimka kulmiye, Masuuliyiin kale oo xilal hore uga soo qabtay qaranka, marti sharaf kale oo aad u tiro badan oo iskugu jira shaqaalaha Wasaarada iyo marti Kale.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha waaxda Cududa Shaqaalaha oo ku hadlayey afka shaqaalaha wasaarada ayaa soo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradu yeelatay, waxaanu bogaadiyey Kusimihii Agaasimaha guud ee Wasaaradda.

Gudoomihaya maamul wanaaga, gudoomiye kuxigeenka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ayaa iyaguna kalmado sabootin iyo soo dhawayn ah u jeediyey labada masuul ee xilka la kala wareegay. Waxa iyaguna dhankooda kalmado kooban ka yidhi kusimihii agaasimaha guud ee wasaaradda iyo Agaasimaha cusub ee wasaaradda.

Gebo gebadii waxa kalkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo halkaasi kasoo jeediyey kalmado soo dhawayn ah. waxaana Xilka la kala wareegay kusimaha Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Marwo Aniisa Xusseen Cali iyo agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Mudane Maxammed Cabdillahi Cabdiraxmaan (Caynab)