Madaxweynaha oo ku amaanay shacabka ka qeyb qaadashada dhismaha wadooyinka

Muqdish – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay waddooyinka Danwadaagta iyo Sayidka, kuwaas oo dhowaan ay dib u dhiseen maamulka gobolka Banaadir oo ka duulaya barnaamijka dalkaaga dhiso.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha waddooyinkan ay tilmaan u tahay sida shacabka uga go’an tahay inay waddankooda wax u qabtaan, intii karaankoodana ay ku hirgeliyan mashaariic horumarineed.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in waddooyinkan burburkii ka muuqday iyo maanta sida laga dhigay ay muujinayso in shacabku tashadey, ayna doonayaan inay qurxiyaan xaafadahooda.

madaxwyenaha_Soomaaliya_Xadhig_jarid

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay maamulka gobolka Banaadir sida uu uga soo dhalaaley kaalintiisa ku aaddan dib u dhiska waddanka iyo weliba doorka ay ka qaadanayaan sugidda amniga caasimadda.

wadooyinka_muqdisho

Madaxweynaha waxaa furitaanka waddooyinkan ku wehliyey xubno ka tirsan labada gole, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.