“Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Siilanyo waa hogaamiyeyaashii taariikhdii madoobayd ee Somaliland iyo Itoobiya bedelay, ee keenay nabada..” Mr. Maxamuud Xaashi Cabdi

Hargeysa – (warsoor ) –  Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda JSL, Md. Maxamuud  Xaashi  Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in, Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Siilanyo yahay hogaamiyeyaashii u bedelay nabad taariikhdii madoobayd ee Somaliland iyo Itoobiya u dhexeysay, isla markaana Brig Gen Berhe Tesfay, wakiilka Itoobiya u qaabilsan Somaliland yahay laf-dhabarta xidhiidhka u dhexeeya labada wadan, xidhiidh fiicana xukuumada Somaliland la wadaagto.

Md. Maxamuud Xaashi oo maanta ka hadlayey xaflad loogu qabtay magaalada Hargeysa oo la xidhiidhay  xuska 25 guurada, labaatanka Ginbot, maalintii shacabka Itoobiya iska tureen taliskii Dergiga, oo lagu casuumay madaxda xukuumada Somaliland, goleyaasha Qaranka iyo gudoomiyeyaasha xisbiyada Qaranka, kana soo qeybgaleen martisharaf kale, iyo jaaliyada Itoobiya ee ku dhaqan dalka ayaa sheegay inaan Itoobiya xornimadooda la soo noqon 25 sannadood horteed, balse xukunkii ka tureen nidaam keli-talis ahaa oo dalkooda dib u riday, waxaanu yidhi,

“Shacabka Itoobiya lama soo noqon xornimadooda 25 sannadood horteed, ee innaga (Somaliland) ayaa la soo noqotay, waan saxayaa qodobkaa. Waxay iska tureen nidaam keli-talis ahaa, oo dib u riday, oo 17 sanno madaxa kaga taagnaa  dalkooda, waxaan leenahay  shacabka Itoobiya, Raysal-wasaarahooda Itoobiya, Madaxweynaha iyo xukuumadiisa iyo xisbiga EPRDF, waxaan leenahay hambalyo, hambalyo.

Xuska_Gimto (3)

Wasiirka Madaxtooyada JSL, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in bani’aadamku,  gaar ahaan, ninka madow horumar samayn karo, taasina Itoobiya xaqiijisay, waxaanu yidhi isagoo ka hadlaya,

“Itoobiya waxay xaqiijisay in bani’aadamku, gaar ahaan ninka madow horumar samayn karo. Shan iyo labaatan sannadood horteed, xaqiiqdii Addis Ababa waxa ka qurux badnayd, ka nadaafad badnayd Hargeysa iyo Muqdisho, waxa is-dhaafiya asaaga iyo Ilmaadeerka waa hogaanka iyo himilada ay samaytaan.

Md. Xaashi ayaa sheegay in xisbiga EPRDF la yimaadeen himilo dheer iyo hogaan maskax furan, isla markaana Raysal-wasaarahii hore Itoobiya Melez Zenawi iyo xisbigu waxay xaqiijiyeen inay Itoobiya ka horumarin karaan wadamadda Geeska Afrika, waxaanu yidhi,

“Raysal-wasaarahii hore Itoobiya Meles Zenawi iyo xisbiga EPRDF waxay xaqiijiyeen inay Itoobiya ka horumarin karaan wadamadda Geeska Afrika, isla markaana dalka Kenya oo tusaale loo soo qaadan jiray marka qurux la doonayo Nairobi, maanta marka la doonayo in qurux laga hadlo, dhaqaale kordhay, musuqmaasuq lala dagaalamay iyo nidaamka hufnaan leh, waxa la yidhaahdaa Addis Ababa tag.

“Horumarkaa waxaa sameeyey ragii lahaa, waynu ku hambalyeynaynaa, waynu kaga dayan karnaa horumarkaa, ilayn waxaan nabad iyo caano ahayn waa la kala qaadaaye, waynu kaga dayan karnaa, Somaliland xukuumadeeda iyo shacab waxa ka go’an inay horumarka Itoobiya gaadhay mid la mid ah hiigsadaan.

Wasiirka Madaxtooyada JSL Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay inay dhamaatay colaado hore loo dhexdhigay Itoobiya iyo Somaliland, nabadaana ka shaqeeyeen ururkii SNM, xukuumadahii dalka soo maray, waxaanu yidhi,

“Colaadii hore loo dhexdhigay Itoobiya iyo Somaliland, nabadeeda waxa ka shaqeeyey ururkii SNM, xukuumadahii Somaliland soo maray, Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Siilanyo waa hogaamiyeyaashii taariikhdii madoobayd ee Somaliland iyo Itoobiya bedelay, ee keenay nabada in ninka Somaliland iyo Itoobiyaanku walaalo noqdaan.

“Xukuumada Somaliland iyo xuukuumada Itoobiya waxa ka dhexeeya xidhiidh weyn, waxaa  naga go’an xukuumada iyo shacab inaan ka wada shaqeyno xukuumada iyo shacabka Itoobiya nabada, la wada dagaalano argagxisada, budhcad-badeedka, faqriga, tahriibka, siyaasad isku mid ahna ka wada leenahay, vadowgeenu waa cadowgooda, cadowgooduna waa cadowgeena, iskaashigeena ganacsiguna waxuu ahaan doonaa mid ka turjuma danaha labada shacab, maadama ummado walaalo ah ku wada noolaadaan cadaalad iyo danno labada dhinac ah, dan dhinac keliya kuma wada noolaadaan, gudoomiye Faysal (saaxiibkay) waxaan leeyahay xidhiidhka xukuumada Somaliland iyo safiirka Itoobiya Mr. Berhe waa mid dhow, Somaliland iyo Itoobiyana xidhiidh dhow iyo dhinacyo badan ayaa u dhexeeya.”

Xuska_Gimto (1) Xuska_Gimto2 Xuska_Gimto (4)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.