Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo Shaaciyey Inay Dhamaatay Diwaan-galintii Codbixiyyaasha ee Gobolka Maroodi-jeex

Hargeysa – (warsoor) –  Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa shaaciyey in diwaan-galintii codbixiyayaasha ee gobolka Maroodi-jeex ay dhamaatay 28-kan May 2016, loona gudbi doono gobolka Sanaagaa.

Shirkan jaraa’id oo ay ka soo qayb-galeen gudoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, wakiilo matalaayey asxaabta saddex xisbi qaran iyo xubno ka mid ah komishanka doorashaooyinka Somaliland.

Komishanka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta NEC ee magaaladda Hargeysa ayaa war-fidiyeenadda u sheegay in maanta ay si rasmi ah u dhamaatay diwaan-galintii gobolka Maroodi-jeex.

gudoomiyah_nec“Waxaa inoo soo gabo-gaboobay gobolkii Afraad, wuxuu ku soo gabogoobay si nabad-galyo ah, wuxuu ku soo gabogaboobay si raynrayn ah, Ilaahaybaana mahadda koowaad iska leh”, sidaasi waxaa yidhi Eng. Cabdiqaadir Warsame Iimaan.

Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in diwaan-galinta la hakin doono inta lagu guddo jira bisha barakaysan ee Ramadaan.

Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Md. Jeeni-yare ayaa ku bogaadiyey komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland hawsha diwaan-galinta ee soo dhamaystireen. Waxaanu dhanka kale wuxuu ugu duceeyey gudoomiyayaasha goboladda kale ee hadda diwaan-galintu ka bilaabmayso inuu Ilaahay u fududeeyo.

Diwaan-galinta codbixiyayaasha ee gobolka Maroodi-jeex ayaa ka bilaabantay 28 April 2016, ka dib markii muddo hal bil ah la hakiyey intii lagu jiray gurmadka abaaraha dalka ku dhuftay. Diwaan-galinta ayaa la sheegay in isdiwaan-galiyeen dad tiro badan inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin tiradda guud ahaan iska diwaan-galisay gobolka Maroodi-jeex oo gobolka ugu dadka badan Jamhuuriyadda Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.