Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta digreeto madaxweyne waxaa uu ku magacaabay Todobada degmo oo cusub oo hoos iman doonoa shan-gobol oo Somaliland ah.
Digreetadda Madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye. Nuxurka digreetaddan ayaa u dhignayd sidan:
“Madaxweynuhu Wuxuu go’aansaday;
Ø In uu Balli-mataan u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Maroodi-jeex.
Ø In uu Geba-gebo u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.
Ø In uu Faqayuub u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.
Ø In uu Shaxda u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Xaysimo.
Ø In uu Wadaamagoo u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Saraar.
Ø In uu Adhi-cadeeye u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sool.
Ø In uu Gumburaha u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Hawd.
Dastuurka Somaliland ayaa xaq u siinaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland inuu magacaabi karo degmooyin iyo goboladda cusub, haddii loo baahdo, gobolka iyo degmaddu buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay.
This post is also available in:
Somali