Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Goob Fagaare Ah Kala Hadlay Boqolaal Ka Mid Ah Shacabka Magaalada Ceerigaabo

Ceerigaabo – (warsoor) – Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayey oo maalmahii ugu dambeeyey socdaal ku joogay gobalka Sanaag, ayaa khudbad taariikhi ah oo dhincyo badan taabanaysa u jeediyey boqolaal ka mid ah xoogaga taageerayaasha isbedel doonka ah ee xisbigaasi ee magaalada Ceerigaabo.

IMG_1771

Khudbaddan oo uu guddoomiyahu ka jeediyey barxadda Khayriyadda ee magaaladdaasi, ayaa waxa ku wehelinaayey mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga WADDANI, Siyaasiyiin, xildhibbaano, madaxdhaqameed, taageerayaasha xisbiga iyo boqolaal ka mid ah shacabka magaaladdaasi, waxaana ugu horreyn guddoomiyaha oo ku lebisan dharka hidaha iyo dhaqanka ah ee u gaar ka ah shacabka magaalada Ceerigaabo, iyada oo socod lug ah uu ku yimi barxadda looggu tallo-galay in khudbadda guddoomiyaha.

Qaar ka mid ah taageerayaasha isbedel doonka ah ee ku  dhaqan magaalada Ceerigaabo oo ugu horreyn halkaas ka hadlay ayaa cod dheer ku muujiyey in ay si weyn u taageersan yihiin xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay u heelan yihiin isbedel dhabba oo ka qabsooma guud ahaan dalka, waxaana ay tilmaan ka bixiyeen ay hore ugu hodmoon xisbiga Kulmiye balse ay maanta diyaar u yihiin in ay iska tuuraan heeryaddii xisbiga Kulmiye.

IMG_1791

Xildhibbaan Rayte, Siyaasi Maxamed Nuur Carraale Duur, Hinda Jaamac Gaani, Xildhibbaan Maxamed Saalax, Cabdillaahi Daamur, Jamaal Xaamud, siyaasi Karash, boqor Faysal, Suldaan Daakir iyo Mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan, ku waasi oo dhammaantood ba ku dheeraaday ahmiyadda ballaadhan ee xisbiga WADDANI uu siinaayo guud ahaan gobalka Sanaag, iyaga oo tilmaamay in xisbiga WADDANI uu diyaar u yahay in uu dib u dhiso guud ahaan kaabeyaasha dhaqaalaha, waxna ka qabto baahiyaha kala duwan ee gobalka ka jira.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ugu dambeyntii isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu mahadcelinaayo shacabka gobalka Sanaag siddii ballaadhneyd ee ay u soo dhaweeyeen, waxaana uu tilmaamay in soo dhaweyntii shacabka gobalka Sanaag ay ka turjumaysay rabitaanka shacbi ee gobalka Sanaag.

Shacabka degmada Ceerigaabo aad iyo aad ayaan ugu mahad-naqayaa, waxaana aan uga mahad-naqayaa soo dhaweynta aan hore loo arag ee aad soo dhaweyseen weftigii SAMA-WADE  Sanaag, walaaleyaal dadka orda midba rikoodh buu dhigaa, deedna marka uu mid dhigo rikoodh cusub, waxa la yidhaahdaa hebel rikoodhkii buu jabiyey. Marka Sanaag soo dhaweynahii Somaliland oo dhan bay jabisay rikoodhkoodii, aad iyo aad baanu idiin ka mahadnaqeynaa, waxaana aan idin sheegayaa in aanay taasi ahayn soo dhaweyn, waxa ay ahayd dareenka shacabka oo aad ka turjunteen halka aad taagan tihiin, waxa aad muujiseen in gobalka aad diyaar u tihiin in isbedel ka dhaco Somaliland, isbedel nabaddeed, isbedel nololeed iyo isbedel dimuqraadiyaddeed na, aad iyo aad baana aan idiin ku mahad naqayaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.