Ma Waddani Ayaa Is-badalay? Mise Kulmiye Ayaa Is-Badalay? Mise Awalba Isku Mid Ayey Ahaayeen? Iyo Saamaynta Arrintaasi

Waxay ahayd 2013-kii, waxaan la socday hogaamiye aad u darajo sarreeya oo ka tirsan mid ka mid ah xisbiyada dalka, wuxuu igu yidhi: (haddii aan maalin ambado, oo aan galo xafiiska xisbi iga soo horjeeda, waan la qabsanayaa oo ma qaloonaayo, sababtoo ah kaliya boodhadhka ayaanu ku kala duwanahay).

prof_maxamud_jaamac

Sheekadan waxa I xasuusiyay arrinta aan la yaabay ee ahayd ku biirista wasiiro miisaan culus ku lahaa xisbiga Kulmiye ay ku biireen xisbiga Waddani, dabcan aniga shakhsiyan muhiimad gaar ah iima laha inay siyaasiyiintaasi ay ku sii jiraan xisbiga Kulmiye ama ay ku biiraan Xisbiga Waddani, laakiin falanqayntaydu waxay ku saabsan tahay xaqiiqada aynu muddo indhaha ka qarsanaynay ee ay dhacdadani si cad daaha uga rogtay.

Arrinta kale ee la yaabka igu noqotay waxay tahay in dadwaynaha iyo baraha bulshadu isugu timaado ay dadku aad u hadal hayeen nuxurka heshiiska ay ku heshiiyeen labada dacal iyo waxay kala yihiin hogaamiye xisbi iyo gudoomiye xisbi, iyadoo aan laga hadal arrinta weyn iyo farriinta naxdinta leh ee uu warkani xambaarsan yahay.

Haddaynu nahay JSL nidaamka aynu qaadanay dhinaca is-abaabulka muwaadiniinta iyo isku imaatankooda marka laga reebo saddexda waaxood ee qaranka ayaa ah sidan:

  1. Ururo dano shakhsiyeed leh: kuwaasoo ah ururada ganacsiga, taasoo uu ganacsato walba uu ku biiraayo shirkada uu u arko inuu macaash badan ka helaayo, ama uu ka baxo shirkad kasta oo uu u arko in danihiisa gaarka ah ee lacageed uu ku khasaaraayo, ururada noocaas ahna waxa lagu maamulaa xeerarka ganacsiga ee kala duwan.
  2. Ururo afkaar ku salaysan oo aan siyaasada galin: kuwaasina waa ururada aan dawliga ahayn ee samafalka ka shaqeeya ee loo yaqaano (NGO), ururadaasina waa kuwo muwaadiniintu ay isugu imanayaan afkaar iyo mabaadii, laakiin waxa ka reeban inay siyaasada galaan ama inay ka qayb qaataan, waxaana lagu maamulaa XEERKA URURRADA SAMAFALKA AAN DAWLIGA AHAYN XEER/N0.43/2010.
  3. Ururo ku salaysan afkaar iyo mabaadii oo ka shaqeeya siyaasada, kuwaasoo ah xisbiyada siyaasada, oo hadafkoodu yahay inay talada dalka dhinacyadeeda kala duwan ay gacanta ku dhigaan si ay afkaartooda u fuliyaan, kuwaasoo lagu maamulo XEERKA NIDAAMKA URURADA IYO AXAABTA SIYAASADA XEER No. 14/2011, kaasoo ku qeexayaa urur-siyaasadeed sidan:

Waxaa loola jeedaa koox muwaadiniin ah oo wadaaga fikir siyaasadeed oo isu-diiwaan-geliya Urur ahaan si ay uga qayb-qaataan doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ka hor inta aan loo aqoonsan xisbiyo Qaran.

Halka xisbiyada siyaasadana uu qeexitaankooda isla xeerkaasi qeexaayo ay dheer tahay ka ururada inay axsaabtu xaq u leeyihiin inay ka qayb galaan doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada ee kala duwan.

Markaa ujeedada saddexda xisbi aynu u samaysanay waxay tahay in ay abuuraan saddex fikir oo kale duwan oo mid walba si ka duwan ka kale u arko horumarinta dalka, haddii laakiin ay saddexda xisbi noqdaan saddex urur oo ay isku keentay dan shakhsiyadeed ama qabyaalad waxaynu luminaynaa ujeedadii aynu u samaysanay axsaabta.

Bal haddaba aynu qiimayno garabkan ku biiray xisbiga Waddani ee ka baxay xisbiga Kulmiye, anigoo jecel inay su’aalahan iyaga laftoodu (Garabka Kulmiye ee ku biiray Waddani) ka jawaabaan:

  • Talaw ma waxa is badalay barnaamijkii siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye, taasoo keentay inay ka cadhoodaan masuuliyiintani?
  • Talaw ma waxa is badalay barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga Waddani, oo noqday mid ka fiican kii uu xisbiga Kulmiye lahaa?
  • Mudane Xirsi waa kii in badan ku soo celiyay inay aaminsan yihiin xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisa, laakiin ay ku kala tageen aragtida mustaqbalka, Markaa maadaama aanuu is badalin barnaamijkii siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye, ma wuxuu uga jeedaa mustaqbalka in Murashax Muuse Biixi uu badalaayo hanaankii u xisbigu ku socday?
  • Xita haddii uu Murashax Muuse biixi uu badalaayo siyaasada xisbiga miyaanuu u marayn nidaamka iyo shuruucda xisbiga Kulmiye u dajisan?
  • Markaa garabkani ma sharciga xisbigoodii Kulmiye ayey diidan yihiin inay u hogaansamaan?
  • Haddii uu Muuse Biixi ka baxo sharciga xisbiga, miyaanay awoodin inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan iyagoo raacaaya isla sharciga Xisbiga?
  • Xisbiga Kulmiye ma qofbaa mise waa hayad Qaran oo leh nidaam iyo shuruuc ash-khaasta ka weyn?
  • Sidoo kale miyaan Murashax Muuse Biixi lagu dooran shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ee ay joogeen xubnaha xisbiga ee aaminsan mabaadiida xisbiga ka dib markii ay aamineen ergooyinkaasi in uu yahay shakhsiga xisbiga iyo dalkaba ku hagaaya mabaadiida iyo afkaarta xisbiga?
  • Haddii aad Muuse ku nacdeen afkaartiisa siyaasadeed iyo mabaadiida uu xambaarsan yahay, sideebaad muddadaasi dheer ugu wada jirteen xisbiga kulmiye? Miyaanuu Xisbiga Kulmiye ahayn madal ay isku yimaadaan dadka isku afkaarta iyo mabaadiida xambaarsan?
  • Haddii aad muuse biixi ku nacdeen shakhsiyadiisa, ma waxay tahay in aad nacdaan dhamaan afkaartii iyo mabaadiidii xisbiga ee aad idinka laftiinu aaminsanaydeen?
  • Tusaale ahaan, dalka Maraykanka labada Murashax ee maanta ee Tramp iyo Clinton labadaba waxa xisbigooda dhexdiisa kula soo tartamay dad kale, aakhirkiina labadooda ayaa dadkii kale ka badiyay, miyaad aragteen qof ama koox ka baxday xisbi iyadoo ay sababtu tahay qof ayaa la doortay?
  • Xeerka Ururada siyaasada 14/2011 wuxuu sheegayaa in masuuliyiinta xisbigu ay is casilaad u gudbiyaan xisbigoodii, taasoo uu xisbigu go’aan kaga gaadhayaa go’aan muddo 14 cisho, talaw sidaasi ma samayseen?
  • Sidoo kale isla xeerkaasi wuxuu sheegayaa in xildhibaanada magac xisbi ku soo baxa in aanay xisbi kale u wareegin ilaa wakhtiga la furaayo doorashada ururada siyaasadeed ee cusub? Talaw markaa xildhibaanada garabkan ku jiraa sideebay Waddani ugu biiri karaan iyadoo aan la gaadhin wakhtigaasi?

Dadka qaar ayaa iyagu yidhaahda waa arrin iska caadi ah in ay kala duwanaadaan waxa xeerarka ku qoran iyo hab-dhaqanka dadku, anigu taasi aad ayaan uga aragti duwan yahay oo dhinaca diinta marka aynu ka eegno kala duwanaashaha waxa afka laga leeyahay iyo waxa nuxurku yahay waa arrin qaldan, sidoo kale dawlad ahaan marka aynu ka eegno waxaynu arkaynaa inay dhib weyn ku noqonayso jiritaanka dawladeena mustaqbalka, oo wax kasta oo dalkeena ka jira haddii uu kala duwanaanaaya magaca uu xambaarsan yahay iyo wuxuu xaqiiq ahaan yahay waa dhib aad u weyn, taasoo aynu subax dambe ku baraarugi karno xaalada dalkeena oo noqon karta sidan:

  • Xisbi siyaasadeed Magac ahaan, laakiin nuxur ahaan ah reer ama koox xilal raadsanaysa.
  • Madax-dhaqmeed magac ahaan, laakiin nuxur ahaan ah ganacsato ama siyaasiyiin.
  • Xeer dajin magac ahaan, laakiin nuxur ahaan ah xeer ansixiye.
  • Madaxweyne magac ahaan, laakiin nuxur ahaan ah hogaamiye reereed.
  • Urur samafal (NGO) magac ahaan, laakiin nuxur ahaan ah mehrad laga macaasho.
  • Dhakhtar magac ahaan, laakiin nuxur ahaan ah ganacsade ay dani ugu jirto bukaanka dadkiisa.
  • Macalin magac ahaan, laakiin nuxur ahaan ah qof musuq-maasuqaaya cilmiga si uu ardaydiisa u raaligaliyo si aanay jaamacadiisa ama fasalkiisa uga yaacin.
  • Somaliland magac ahaan, laakiin nuxur ahaan ah gobal Somaliya ka mid ah.

Anigu fikrad cayiman iyo nidaam cayiman uma ololaynayo halkan, balse waxaan sheegayaa muhiimada ay leedahay in shay walba uu ahaado sidii aynu ku heshiinay si aynaan ugu dambayn sidii ka dhacday sheekadan caanka ahayd.

“boqor ayaa shacabkiisa dhag ka jari jiray, dhagta kalena wuu u reebi jiray, si ay u wada noqdaan kuwo dhag qudha leh, muddo ka dib markii ay magaaladu wada noqotay mid hal dheg leh, oo ilaa caruurtoodii ay sidaasi ka yeeleen, ayaa marka uu tuulo kale ka soo maro qof laba dhagood leh ayey dadka magaaladu caayi jireen oo ay ku aflagaadayn jireen inuu laba dhagood leeyahay.

Markaa Ilaahay waxaan ka baryayaa in aanay akhristayaashu igu caayin in aan ahay laba dhagoodle, maadaama aan ku baaqaayo in lagu soo noqdo sidii aynu ku heshiinay ee xeerarkeena iyo nidaamkeenuba dhigaayaan.

 Waxa hubaal ah in haddii aynu ka dhabayn wayno nidaamka aynu qaadanay ama aynu wax ka badali wayno, oo uu sii socdo kala tag-sanaanta iyo farqiqa u dhaxeeya waxa xeerarkeena iyo heshiisyadeena ummadeed ku qoran iyo waxa aynu ku dhaqmino in marka aynu mushkilad ku dhacno ay aad u adkaan doonto dawaynta mushkiladaasi sababtoo ah waxa adkaan doonta garashada shayga la dawayn doono, oo ma waxa la dawayn doonaa waxa ku qoran xeerarka iyo nidaamka dawladeed ee aynu dhiganay, mise waxa la dawayn wixii hab-dhaqan laga dhigtay ee ka hor imanayaayay kaas hore.

Tusaale ahaan: haddii ay barrito isku qabsadaan murashaxiinta doorashada madaxtooyada cida ku badisay doorashada madaxtooyada, ma waxaynu ku kala saarnaa sharciga iyo nidaamka dalka oo maxkamada ayeynu u gudbinaa? Mise waxaynu ku xalinaa caqliga ganacsatada oo iyaga ayeynu is-raacinaa oo nidhaahnaa idinku ku soo heshiiya oo isku daysta? Mise qaab reereed ayeynu ku xalinaa oo qabaa’ilka ay ka soo jeedaan murashaxiintu ayaa mushkilada soo af-jaraaya?

Amaba haddii ay is qabsadaan masuuliyiintan hadda ku biiray Xisbiga Waddani iyo hogaankii hore u jiray qaabkee ayeynu ku kala saaraynaa? Iyadoo aynu maskaxda ku hayno is-qabsigii Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali Waraabe.

Prof: Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

 

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap