Labada Beelood Ee Ku  Dagaalamay Deegaanka Bacaha  Oo Nabadayn Buuxa Lakala  Dhex Dhigay

Ceel-Afweyn – (warsoor) – Waftidii Uu Hogaaminayey  Wasiiirka Arrimaha Gudaha Somaliland  ee arrimaha  nabadaynta  u  joogay  deegaanka   Bacaha oo  ka tirsan Degmada Dararweyne ee Gobolka Sanaag  ayaa  maanta  ku    iskugu  yeedhay   sulaadiinta  cuqaasha iyo wax garadka  labada ardaa ee  dhawaan  dirirtu  ku  dhex martay  Bacaha   halkaasi  oo  dagaal  ku  dhex  maray   kaas oo  sababay  dhimasho  iyo  dhaawac  labadaba.

Waftida  saaka shir  iskuyeedhay   labada  ardaa ee deegaankaasi  dirirtu  ku  dhex martay   iyo  gudida   nabadaynta   waxaana  isla  goobtaasi   lagu   dhaariyey  50  oday  oo kamida  sulaadiinta, cuqaasha  iyo  waxgaradka  labada ardaa ee deegaankaasi  dirirtu  ku  dhexmartay.

IMG_4346

Ugu   horayn  wasiirka  wasaarada  arrimaha   gudaha  Somaliland oo  Shirkaasi  furay  ayaa   labada beelood  si  miisaan  leh  ula  hadlay  iska   sheegay  in  manta  ay   sadex xaalo uga  fadhiyaan kuwaasi  oo kala  ah .

1-in laba  bilaabo  caawa  ay   si  bilaa shuruuda  ku  kala raraan   maleeshiyaadka  Hubaysan ee kazoo kala jeeda  labada beelood

2- in  beel  walba  laga   dhaariyo  25 oday   oo  ah  mudanta reerka  inay  qaadanayaan  nabad  oo dadkooda iyo  beeshoodana  nabadaa u  qaadayaan

3- in   ciidamada  milatariga iyo  birmadkuna  fasax u  yihiin  laga  bilaabo  maalinta  barri inay  cidii ay  hub  ku  qabtaan  kala wareegaan  iyagana  xabsiga  u  taxaabaan

Dhinaca kale  waxaa  iyaguna halkaasi  ka hadlay  wasiirada gaashaandhiga  iyo  dib u  dajinta  oo  iyaguna  wasiirka arrimaha gudaha  sidaasi  ku  raacay.

Ugu  danbayntii   ergada   labada  ardaa  ayaa qaatay  go’aamada loo joo  jeediyey   iyaga oo  ajiibay  go aanka wasiirada  isla markaasi   beel  walba waxaa isla goobta    gacanta loogu   saaray  kitaabka  quraanka   kariiimka  ah iyaga  oo  shan  shan  loo  dhaariyey   50 ka  oday   oo  25 odayba  dhinac yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.