Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Ka Qayb-galay Munaasibada Bahda Garsoorka Tababaro Loogu Soo Xidhay

Hargeysa – (warsoor) – Waxaa huteel Maansoor ee magaaladda Hareysa maalinimada Arbacadda lagu soo gabo-gabeeyey tababar dib u habayn lagu samaynaayey Bahda garsoorka dalka, munaasibadan oo shahaadooyin lagu gudoonsiiyey ka soo qayb-galayaashii.

Munaasibadan waxaa ugu horayn ka hadlay gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Md. Aadan Xaaji Cali Axmed waxaanu ka hadlay ujeeddada kulankan ee loogu qabtay bahda garsoorka waxaanu ayaa sheegay inay ugu talo-galeen bahda garsoorka ee waxa fiican qabtay in lagu siiyo abaal-marin.

Waxaa iyaguna munaasibadan ka hadlay Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Taliye ku-xigeenka ciidamada Asluubta Somaliland Sareeye Guuto Xasan Cali Dheer waxanay amaan u soo jeediyey gudoomiyaha maxkamadda sare dadaalka uu ugu jiro horumarinta bahda garsoorka dalka.

Ugu dambay waxaa kulankan ka hadlay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacil Saylici  waxaanu sheegay in Somaliland waxyaalaha ay dalal badan kaga horumartay ay tahay kala dambaynta iyo ilaalinta sharciga.

Halkan ka daawo wixii faahfaahina oo aanu ka soo xignay HCTV:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.