Kalfadhigii 75-aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo soo Xidhmay

HARGEYSA – (WARSOOR) – Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta soo xidhay kalfadhigii shan iyo todobatanaad (75) ee golahaasi.

Fadhiga maanta oo uu shirgudoominayay guddoomiyaha golahaasi mudane Salebaan Maxamud Aadan, ayaa xildhibaanada ku wargeliyay in uu xidhanyahay kalfadhiga shan iyo todobatanaad ee golaha guurtida Somaliland goluhuna galay fasax muddo bil iyo maalmo ah iyaga oo shaqada ku soo noqon doona maalin Axad ah 5 bisha sagaalad.

Saleebaan Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Golaha guurtida ayaa mudanayaasha golaha ku dhiiri geliyay in mudada ay fasaxa ku jiraan dib ugu noqdaan bulshada oo ay xogogaal u noqdaan waxa dadkoodu ku suganyahay.