Loolanka Hanashada Shirgudoonka Gollaha Wakiillada iyo Sooyaalka Taariikheed ee Labada Mudane ee tartamaya

HARGEYSA – (WARSOOR) – Waxaa beri si rasmi ah 9 Subaxnimo uga furmaya Xarunta gollaha wakiiladda Kulankii Kowaad ee ay yeeshaan Xildhibaanadda cusub ee gollaha wakiillada ee Ku soo baxay doorashadii dalka ka dhacday 31 May ee sannadkan.

Sida ay Ku waramayso Wakaallada wararka Somaliland ee Solna Kulankan oo uu Iclaamiyey Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee distooriga ah ku dhaarin doonaa 82-ka Mudane ee gollaha Wakiilladu ka kooban yahay.

Dhaarinta kadib sida uu Sharcigu dhigayo Waxaa hogaaminta gollaha la wareegi doona Mudanaha ugu da’da weyn Iyadoo la dooran doono Shirgudoonka gollaha wakiilladda oo ka kooban Gudoomiye iyo Labadiisa ku xigeen.

Loolanka doorashadda shirgudoonka gollaha wakiillada ayaa si weyn looga dareemay guud ahaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland Waxaana u taagan Jagada Gudoomiyaha Gollaha Wakiilladda Prof Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon iyo C.risaaq Khaliif Axmed oo labadooduba ka soo jeeda Gobolka Sool, Halka ay Gudoomiye ku xigeenka 1aad u taagan Yihiin Xildhibaan Siciid Mire Faarax ( Giire ) iyo Mudane Cumar Jaamac Faarax oo labadooduba ka soo jeeda gobolka Sanaag, Geesta kale waxaa Gudoomiye ku xigeenka 2aad ku wada tartamaya Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) iyo Mudane Cali Xaamud Jibriil oo ka soo kala jeeda Gobollada Maroodi Jeex iyo Awdal.

Waxaa Shirgudoonkan laba geesoodka ah kala wata Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye iyo Axsaabta Mucaaridka ah oo Midaysan iyo Xildhibaanada Isbahaysiga Labada Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo Ucid.

Hadaba Gudoomiyaha Gollaha Wakiilladda oo ay u taagan yihiin Prof Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon iyo C.risaaq Khaliif Axmed ayaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Taariikh nololeedkooda.

Waana sidan

Ugu horayn Prof Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon Wuxuu Sannadkii

1947-kii ku dhashay Magaaladda Laascaanood, Wuxuu dugsiga hoose ku dhamaystay isla magaaladaasi, Halka uu dugsigii dhexe ku qaatay dugsiga dayaxa ee Magaaladda Ceerigaabo.

1974-kii ayuu ka baxay Jaamacadii Lafoole, gaar ahaan Kuliyada Waxbarashadda iyo adeega Bulshada, Waxaanu Jaamacadaasi ka noqday Macallin khaasatan sannadkii 1977-kii.

Prof Faratoon markaas kadib Waxaa loo wareejiyey Wasaaradii Waxbarashadda ee Somalia waxaanu madax ka noqday qaybtii waxbarashadda dadka waaweyn.

1978-kii ayuu waxbarasho dalka dibadiisa ah u baxay waxaanu shahaadada Mastarka ku soo dhamaystay Jaamacada Manchester ee dalka Ingiriiska.

1980-kii ayaa lagu eedeeyay Kacaan diid, Waxaana lagu amray in aanu dalka dibadiisa u bixi karin hasa yeeshee waxa uu si dhuumasho ah ugu baxay waddanka Gadar halkaas oo mudo ku noolaa.

 Prof Faratoon Waxa uu noqday 1991-kii Gudoomiyihii ugu horeeyay ee Gobolka Sool xiligaas oo lagu dhawaaqay dib ula soo noqoshadda madax bannaanida JSL.

1993-kii ayaa Madaxweynihii 2aad ee Somaliland Marxuun Maxamed Ibraahin Cigaal u magacaabay Prof Yaasiin Faratoon Wasiirka Caafimaadka iyo Shaqada.

1997-kii ayuu noqday Xildhibaan ka tirsan Gollihii wakiillada ee hab beeleedka lagu soo dooran jiray, Waxa uu Xildhibaanku door weyn ku lahaa guddiyadii gacanta ka gaysatay qoraalka distoorka jamhuuriyadda Somaliland.

Mar kale ayaa Madaxweynihii 3aad ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin u magacaabay Wasiirul dawlihii wasaaradda dib u dejinta xilkaas oo uu markii danbe iska casilay.

2016-kii ayaa Madaxweynihii 4aad ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxa uu u magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha.

2017-kii ayaa Madaxweynaha Shanaad ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu u magacaabay Wasiirka Waxbarashadda iyo tacliinta sare Waxaana mar kale Madaxweyne biixi u cugtay inuu noqdo wasiirkiisa arrimaha dibadda Jagadaas oo uu markii danbe iska casilay maadaama uu ka mid noqday Mudanayaashii ka qayb galay tartankii doorashadii wakiillada waxaana laga soo doortay gobolka sool.

Sidoo Kale Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo u taagan Gudoomiyaha Gollaha Wakiillada ayaa Sannadkii 1967-kii waxa uu ku dhashay Gobolka Sool, gaar ahaan magaaladda Laascaanood.

Wuxuu warbarashadiisa sare ku dhamaystay dalkii Somalia isagoo  takhasuskiisa ku qaatay Caafimaadka guud inkasta oo aanu Mihnadaas ku shaqayn.

Cabdirisaaq Khaliif Wuxuu waayo aragnimo u leeyahay oo uu wakhti dheer ka soo shaqeeyay dhanka Maamulka ganacsiga isagoo hawlaha ganacsiga ku jiray ilaa 1991-kii ilaa 2010-kii.

Sannadkii 2010-kii ayuu Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo u magacaabay Wasiirka wasaaradda ganacsiga.

Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Waxaa mar kale sannadkii 2013-kii uu Madaxweynihii hore u magacaabay Wasiirka Hawlaha guud, Dhulka iyo guryaynta.

Hasa yeeshee Xilkaas wuu iska casilay markii danbe waxa uu sannadkii 2016-kii noqday xoghayaha dhaqaalaha iyo maaliyada ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Sannadkii 2018 kii ayaa loo doortay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga Waddani isagoo xilkan haya ilaa iyo hada.

31.05.2021 Waxa uu ka mid noqday Mudanayaasha u tartamaya doorashadda gollaha wakiiladda iyadoo laga soo doortay Gobolka Sool.

Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed  Waa aabe laba Xaas iyo 8 Caruur ah leh.

Geesta Kale Gollaha wakiillada waxa Mudadii ay Jamhuuriyadda Somaliland madax bannaanideeda la soo noqotay Gudoomiye ka soo noqday.

1 – Ibraahin Maygaag samatar Sanadadii 1991- 1993

2- Axmed Cabdi Xaab’sadde intii u dhaxaysay 1993-1995 .

3- Axmed Baydaani Sannadadii 1995- 1997

4 – Maxamed Adam qaybe intii u dhaxaysay 1997-2005 .

5- Cabdiraxmaan Maxamed C.laahi Cirro intii u dhaxaysay 2005-2017 .

6- Iyo Baashe Maxamad Faarax. Oo xilkan soo hayay 2017- 2021 .

Waxaana loo dheg taagayaa Cida noqon doonta Gudoomiyaha 7-aad ee Gollaha Wakiilladda Jamhuuriyadda somaliland oo beri Subax si rasmi ah loo dooran doono.