Xildhibaannada Golaha Deegaanka Ee Burco Oo Bulshada Magaaladaasi Ugu Baaqay Olole Nadaafadeed

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Burco ayaa bulashada magaaladaasi ugu baaqay in maalinta khamiista ah ee soo socota ay kala qayb galaan olole nadaafadeed oo laga bilaabaayo degmadda Sheekh Bashiir xaafada Balaasa.

Qaar ka mid ah xildhibaanada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maalinta Khamiista ololaha nadaafadda Burco laga fulin doono todoba goobood iyada oo la banyan doono waddooyinka xidhan,Dhagax xaafadaha horyaala, Geedka Garanwaaga iyo Qashinka.

Oloahan nadafadeed ayaa xildhibaanu shegeen in ay ka fulin doonaan dhamaan degmooyinka magaaladda Burco iyo xaafadaha ay ka koobantahay balse xaafadba mar gaara olole lagu qaadi doono.

Xildhibaanadu waxa ay sidoo kale ku wargeliyeen dadweynaha reer Burco in wixii ka horeeya 12, bishan xaafadaha hortooda laga qaado dhagaxa yaala ee ka soo hadha dhismaha guryaha magaalada isla markaana ay geeyaan meelo magaaladda ka baxsan halka cidii u baahanina ay dhigan karto meel baydhsan oo u gaar ah, iyadoo ciddii qaadi weyda dhagax wajahadaha xaafadaha toonsan ay la kulmi doonaan ganaax ay ka qaado dawladda hoose ee Burco.