Gaalkacyo – (warsoor) – Dagaal ayaa dhex maray ciidamadda maamul goboleedka Galmudug iyo Maleeshiyaad Isbaaro dhigtay waddo ku taala duleedka magaaladda Galkacyo. Dagaal waxaa ku dhingtay inta la og yahay laba qof waxaana ku dhaawacantay shan qof oo kale.
Dagaalkan ayaa dhacay ka dib markii xoog xubaysani ay Isbaaro ka samaysteen waddada ka baxda isku xidha magaaladda Gaalkacyo iyo Gelinsoor.
Dagaalkan oo in muddo ah ka socday duleedka magaaladda Gaalkacayo waxaa aakhirkii u suurto gashay in ciidamadda maamul-goboleedka Galmudug ay ka xoog bateen kooxdii isbaaradda dhigatay kalana wareegeen goobtii ay haysteen.
Dawladda Maamul goboleedka Galmudug iyo Odayaasha dhaqanka ee dagaanka ayaa kulan ay yeesheen 30 April waxay go’aan ku gaadheen in gabi ahaanba la tirtiro isbaarooyinka sharci daradda ah ee kooxaha hubaysani ka samaysteen wadooyinka isku xidha dhulka uu ka talo maamul goboleedka Galmudug.
This post is also available in:
Somali