Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu oo Baahinaysa Fursado Shaqo oo Bannaan

HARGEYSA – (WARSOOR) – Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay u taagan tahay tayaynta wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda iyo guud ahaan shaqaalaha dawladda si kor loogu qaado adeegyada la siinayo dadweynaha reer Somaliland iyo dadka keleba.

Barnaamijka dib u habaynta Shaqaalaha Dawladdu waxa uu markaas ka caawiyaa Hay’adda Shaqaaluhu in ay dib u habayn iyo tayayn joogto ah ku samayso shaqaalaha dawladda heer Gobol iyo heer Degmaba.

Iyada oo taas laga duulayo, Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay baahinaysaa 30 kaalmo shaqo oo loo qaadanayo xarunta Hay’adda Shaqaalaha, 11 Wasaaradood oo kele kuwaas oo baahidoodu ku soo baxday ka dib qiimayn lagu sameeyay baahiyaha dawadda iyo qaab-dhismeedka maamul ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda. Kaalmahan shaqo waa qaar u furan dadweynaha reer Somaliland ee khibradda iyo aqoonta leh in ay soo codsadaan, sidoo kelena waxa ay qayb ka noqonaysaa kor u qaadista fursadaha shaqo abuurka ee dhalinyarada iyo aqoon yahanka reer Somaliland.

Dumarka ayaa la siin doonaa tixgelin gaar ah.

Faahfaahinta shaqooyinku waa kuwa ku xusan lifaaqa waxa aanad mid kasta faahfaahinteeda kala degi kartaan Mareegta (Website) Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, qaybta shaqooyinka oo ah:

https://cscsomaliland.com/vacancy .