FAA’IIDADA IYO DHIBAATADA CAAFIMAAD EE BUNKA (Q. 1aad)

Bunku oo ka mid ah cabitannada dunida loogu isticmaalka badan yahay, ayaa sida oo kalana ka mid yahay cabitaannada loogu khilaafka badan yahay waxtarkooda iyo dhibtooda, daraasado badan ayaa iftiimiyey in uu sababo dhibaatooyin caafimaad oo u badan dhinaca wadnaha. Sababta ugu badanina waa maadadda Caffien oo ku badan, taas oo aan u fiicnayn dadka qaba xanuunnada wadnaha, dhiigkarka, keliya xanuunka iwm.

Laakiin sidaas oo ay tahay haddana waxa ay xeeldheereyaal badani ku taliyaan in aan la joojin cabbista bunka oo ay sheegaan in sababta isla maadadda Caffiene ta iyo sida oo kale maaddooyin lidka mariidka ah oo ku jira in uu qofka u leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo aan la soo koobi Karin. Waxaa ka mid ah in uu u fiican yahay caafimaadka beerka, maskaxda iyo ganaca. Faa’iidooyinkaas waxaa ka mid ah:1. Maadadda Caffeine waxa ay awood u leedahay in ay xoojiso heerka dheefsiga cuntada. Sidaas awgeed waxa uu bunku caawiyaa gubista xaydha iyo dufanka, taas oo ah in uu la dagaalamo caloosha.

Cilmibaadhiso lagu sameeyey maadadda Caffeine ayaa lagu ogaaday in ay awoood u leedahay gbista boqolkiiba 10 xaydha dadka buurnidu ku badan tahay.2. Xarunta caafimaadka ee Johns Hopkins Medicine ayaa shabakaddeeda internet ka ku baahisay warbixin sheegaysa in bunku uu yareeyo khatarta dhimashada kadiska ah.3. Bunku waxa uu yareeyaa khatarta ah in qofka uu ku dhaco xanuunka macaanka noociisa labaad. Cilmibaadhis lagu sameeyey arrintanina waxa ay iftiimisay in qofka sida joogtada ah bunka u cabba ay ku yar tahay cabsida ah in uu ku dhaco xanuunka macaanku.Daraasaddan waxaa lagu ogaaday in koob bun ah oo la cabbaa ay boqolkiiba 7 hoos u dhigayso khatarta ah in macaan uu qofka ku dhaco. 4. Bunku waxa uu kordhiyaa tamarta qofka, waxa aanu yareeyaa dareenka daalka iyo burburka jidhka, taas oo ay sababteedu tahay maadadda Caffeine ee ku jirta. Marka uu qofku bunka cabbo jidhka ayaa nuuga kaddibna waxa uu raacaa dhiigga isaga oo sidaas ku gaadha maskaxda. Caffeine tu marka ay maskaxda gaadho waxa saamayn ku yeelataa shaqada qaybo ka mid ah dareen-sideyaasha taas oo sababta in ay xoogeysato shaqada unugyo neerfeedku.5. Bunku waxa uu xoojiyaa xusuusta waxa kale oo uu wanaajiyaa dabeecadda iyo xaaladda nafsadeed ee qofka.6. Bunku waxa uu kordhiyaa heerka hormoonka Adrenaline ka, oo ah hormoon jidhka u diyaariya shaqada culus. Sidaas awgeed bunku waxa uu wanaajiyaa shaqada jidha oo uu ka saaro wahsiga iyo daalka.7. Bunku waxa uu ilaaliyaa caafimaadka beerka oo la aaminsan yahay in uu ka hortago beerka oo burbura ama shaqadiisa gaabiya. Waxa kale oo uu bunku yareeyaa khatarta ah in qofka uu ku dhaco xanuunka Kansarku.8. Waxa kale oo uu bunku yareeyaa khatarta ah in qofka u uku dhaco kansarka gacanta iyo malawadka.9. Bunku waxa uu ka hortagaa khatarta ah in qofka u uku dhaco wadne xanuunku. Koob ama laba bun ah oo maalin kasta la cabbaa waxa ay caawisaa ka hortagga wadne xanuunka iyo in wadnuhu uu ka gaabiyo xaaladda dadka qaar ku dhacda ee ah in wadnuhu uu awoodi kari waayo in uu jidhka gaadhsiiyo xaddi ku filan oo dhiig ah.10. Waxa uu yareeyaa khatarta xanuunka qallalka gariirka wata keena ee Parkinson’s oo burburiya habdhiska neerfaha qofka. Unugyada maskaxda ayaa ku guuldarraysta in ay soo daayaan xaddiga loo baahan yahay ee maadadda kiimikaad ee Dopamine.Xaaladaha uu xanuunka Parkinson’s keeno waxaa ka mid ah dhibaato dhinaca dhaqaaqaaqa jidhka ah, gariir xoog badan, iyo maskaxda oo awoodi kari weyda in ay isku xidho xarakaadka ay xubnaha jidhku samaynayaan.11. Bunku waxa uu ka hortagaa in hidde sidaha DNA uu qaybo u jajabo. Waa arrin dabiici ah in DNA uu jajabo, laakiin haddii uu jidhku awoodi waayo in uu dib u kabo waxaa ka dhasha xanuunka Kansarka.12. Xarunta caafimaadka ee caanka ah ee Johns Hopkins Medicine ayaa shabakaddeeda internet warbixin ay ku baahisay waxa ay ku sheegtay in cabbista Bunku ay yarayso xanuunka Alzheimer. Cilmibaadhayaal arrintan daraaseeyey ayaa ogaaday in dumarka da’doodu 65 jir iyo ka weyn tahay ee bunka maain kasta cabba in ay yartahay khatarta ah in uu asaasaq ku dhaco. 13. Bunku waxa uu yareeyaa khatarta ah in maskaxda uu dhiig ku furmo ama ka xidhmo.

LA SOCO….