Xisbiga Waddani oo kasoo Horjeestay Go’aankii Xukuumaddu ku Joojisay Gaadiidka VITZ

Hargeysa-(warsoor)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa kasoo horjeestay go’aankii ay xukuumaddu ku joojisay gaadiidka yaryar ee VITZ-ta kaasi oo ay kaasi oo ay u cuskatay arrimo la xidhiidha ammaanka .

Xoghayaha arrimaha bulshada ee Xisbiga Waddani , Maxamed Sidiiq Cabdilaahi Dhamme ayaa sheegay in  VITZ ay shaqo abuur badan ka heleen dhallinyaro ay camal la’aan haysay islamarkaana ay yaraysay khatarta aafada Tahriibta .

“Tallaabada joojinta gaadiidka VITZ-ta waa go’aan dawladnimada ka arradan oo muujinaya axmaqnimo iyo arxandarro maamul. Xukuumaddu waxay u taqaan VITZ-ta gaadhi aan manfac lahayn, shacabkuna waxay ogyihiin in V8-ka wasiirradu ku raaxaystaan aanu manfac inoo lahan dhaqaale ahaan. Waxa ku nool kumanaan qoys, waxa shaqo abuur ka helay dhallinyaro badan, VITZ-tu waxay badbaadisay bilaa camal badan oo Tahriibi lahaa.” ayuu yidhi .