Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha waxaanu ka warbixiyey hawlaha qaban-qaabadda xuska 18 May halka uu maraayo.
Wasiirka ayaa ugu horayn bulshadda Somaliland meel kasta oo ay dunidda ka joogaan ugu baaqay inay si weyn ugu dabaal-dagaan xuska snaa-guuradda 25-aad ee maalinta gooni isku taaga Somalialnd, waxaanu sheegay inay kormeer ku soo marin doonaan xarumaha ganacsiyadda kala duwan ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Wasiir Cali Waran-cadde ayaa sheegay in ganacsatadda si weyn ugu diyaarowga 18 May ay xukumaddu siin doonto abaal-marin ay ugu talo-gashay xukuumaddu ganacsataddii si weyn uga qayb-qaadatay.
This post is also available in:
Somali