Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Codka Kalsoonida U Qaaday Masuuliyiin Kala Duwan oo Dhawaan Madaxweynuhu Magacaabay

Hargeysa – (warsoor) – Golaha Wakiiladda Somaliland oo maanta yeeshay fadhi ayaa ansixiyey tiro wasiiro iyo wasiir ku-xigeeno ah oo uu dhawaan madaxweynaha Somaliland magacaabay, masuuliyiintan ayaa intooda badani cod aqlabiyad ah ay ku soo baxeen.

Fadhiga maanta ee Golaha wakiiladda Somaliland oo uu shir gudoominaayey Gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golahaasi Md. Baashe Maxamuud Faarax ayaa codka Kalsoonida loogu codeeyey 4 wasiir iyo 5 wasiir ku-xigeen o uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo digreeto madaxweyn ku magacaabay.

wakiilada-ansixinFadhigan maanta oo ay soo xaadireen 50 xildhibaan waxaa cod gacan taag ah loogu codeeyey xubnaha golaha wasiiradda ee kala ah: Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland Xussen Deyr, Wasirul dawlaha Amniga ee Wasaarad Arimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye, Wasiir ku xigeenka Gashaandhiga Maxamuud Jamaac Warsame, Wasiir ku xigeenka wasaarada xidhiidhka golayasha Nasir Aw jeex iyo gudoomiye ku xigeenka hayaada Shaqaalaha Maxamuud Cabdilaahi Xarbi.

Dhamaan masuuliyiintan ayaa intooda badan waxaa codka kalsoonida lagu siiyey cod aqlabiyad ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.