Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Ka Hadlay Maamul U Samaynta Labadda Gobol ee Hiiraan iyo Shabeeladda Dhexe

Hiiraan – (warsoor) – Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Dabageed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhawaan la dhisi maamulka labadda gobol ee Hiiraan iyo Shabeeladda Dhexe, xili wali la isku maandhaafsan yahay habka loo dhisaayo maamulkan labada gobol.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Dabageed ayaa sheegtay in dhawaan la samayn doono maamulka goboladda Hiiraan iyo Shabeeladda Dhexe wixii tabasho ahna gadaal laga dhamayn doono.

gudoomiyaha_Gobolka_Hiiraan_dabageed“Maamulka labada gobol waa la dhisi doonaa, wixii khaldan dib ayaa laga sixi doonaa, haddii maamul la dhisayo dadka waa is jiid-jiidayaan, anigay wax igu yar yihiin iyo aniga ha la igu daro taas baa meesha ka jirta ee lama diidano in labada gobol la isku daro”, sidaasi waxaa yidhi Yuusuf Dabageed.

Waxaan dhawaan magaaladda Jowhar ka bilaabmay shirka Maamul u samaynta labada gobolka ee Hiiraan iyo Shabeeladda Dhexe inkasta oo warar ka soo baxayaa ay sheegayaan inuu shirkaasi u socdo si gaabis ah.

Waxaa magaaladda Jowhar socda shir doceeydo lagu xodxodanaayo maamul u samaynta goboladda Shabeeladda Dhexe iyo Hiiraan, waxaan halkaasi ka socda loolan adag oo loo jiro sidii beelaha waddan goboladaasi ay beel kastaaba uga heli lahayd saami ay ku qanacdo oo ay ku yeelato maamul goboleedkan cusub ee la waddo hawshiida.

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbatay guddida dhismaha maamul u samaynta labadan gobol inay ugu dambayn la soo dhamaystiro maamulka labadaas gobol bisha June.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.