Ergayga Midowga Afrika oo Sheegay In Laga hortago Marin-haabinta Dhalinyadda Soomaaliya

Muqdisho – (warsoor) – Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka digay marin-haabinta dhalinayaradda Soomaaliyeed ee kooxda Al-shabaab, waxaanu ku baaqay in laga hortago dhibaatooyinka ay arintaasi ku keenayso dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Dan-jire Madeira oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa yidhi, “Waxaanu doonaynaa inaan ka hor-tagno marin-habaabinta dhallinyarada Somalia. Waana in Dhallinyarada laga Wacyi-geliyo marin-habaabinta Al-shabaab; Waana laga Wanaagsan inay Dhallinyaradu ku biiraan kooxaha dhibaatada kawada dalkooda”.

Danjire_Madeira_AU_for_SomaliaDanjire Madeira oo shirkiisaa jaraa’id kaga hadlay dhibaatadda ay ku hayaan hubka Soomaaliya soo galaya iyo waxay tahay in laga qabto ayaa yidhi, “Waxaan Beesha Caalamka kala shaqeynaynaa sidii loo yareyn lahaa saanadaha ay ka mid yihiin hubka ee soo gaaraya Al-shabaab, qaasatan kuwa Soomaaliya kasoo galaya Yemen”.

Ergayga Midowga Afrika u qaabislan Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey dadaaladda ay maamul goboleedyadda Soomaaliya ugu jiraan sidii ay gobolooda uga saari lahaayeen xoogaga al-shabaab ayaa yidhi, “Anigu waxaan ku faraxsanahay in dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee aan kula soo kulmay Magaalooyinka Barwaawe, Garoowe, Kismaayo, Balad-weyne, Muqdisho iyo welia kuwo kale oo badan ay Muujiyeen sida ay uga go’an tahay La-dagaallanka Al-shabaab”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.