Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Codkiisa Dhiibtay

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Xuseen ayaa Codkiisa ka dhiibtey Xarunta Aqalka Shaqaalaha oo uu hore uga diiwaangashanaa. Guddoomiyuhu waxa uu Saxaafadda kula hadlay isla goobta uu Codkiisa ka dhiibtey isagoo Kelmad Dardaaran ah u jeediyey Codbixiyayaasha dalka kuna booriyay adkaynta nabadgalyada iyo ilaalinta xasiloonida isagoo xusay muhiimada ay doorashadani Qaranka JSL u leedahay.