Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka oo La Kulmay Xubnood ka mid ah Golaha Deegaanka Gabiley

HARGEYSA – (WARSOOR) – Kulan ay yeesheen Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka iyo xubno gaadhay 7 xubnood oo ka mid ah Golaha Deegaanka Gabiley, kulankan oo daarnaa cabasho ay wadeen xubnahaasi kuna eedeeyey Maayirka Magaalada Gabiley ku tagrifalka Miisaaniyadda Dawlada hoose ku shaqaynaysa siday hadalka u dhigteen.

Kulankan waxa Goobjoog ka ahaa Warbaahinta, isaga oo kulunku ahaa kulan furan oo warbaahinta qayb ka hayd. Iyadda oo Guddoomiyaha Guddida Xildhibaan Mustafe Axmed, Xildhibaan Maxamed Abiib iyo Xildhibaan Xasan Ogaal, dhammaantood hadal qaatay, ay ku adkeeyeen Ilaalinta Hantida umaddu ay tahay mudnaanta iyo waajibaadka koowaad, sidoo kale codsaday wixii talaabo ah la qaadi doonaa ay ku xidhnaan doonto dhagaysiga dhinacyada is haya oo dhan. Isla markaana u soo jeediyey inay sharciga u raacaan zildhibaanadu talaabooyinka ay qaadayaan

Gebo-gebadii waxay ay Guddida la wareegtay in wixii caydaymo iyo qoraal ah, iyada oo kulano dambena loo balamay.