Goobjooge: Sixitaan kooban oo ku saabsan buugga Danjire Cawil (WQ: Yuusuf Cabdille Cismaan “Shaacir”)

Taariikhdu waa inoo musbaax maanka caawima e
Adoo male gudaayaad yiqiin marar ku gaadhaaye
Makaankaaga waa inaad taqaan meelba waxa yaale
Xaaji Aadan Af-qallooc

Dhawaan waxaa i soo galay buugga uu qoray Danjire Cawil ee “Raad-raaca Taariikh Soomaaliyeed.” Ka hor intii aan xafladda lagu soo bandhigin ayaa shirkadda Sagaljet iigu deeqday nuqul ka mid ah. In muddo ah ayaan ka war hayey in buuggu soo socdo oo aan naawilayey. Nasiib -wanaag kumaan hungoobin. Intii aan ka rajaynayey in iyo in kale oo dheeraad ahba waan kala kulmay.

yusuf-shaacir-image
Yuusuf Cismaan Cabdulle “Shaacir”

Buuggu wuxu ka kooban yahay 450 bog. Tiraba laba jeer ayaan si fiican u akhriyay. Laba qodob ayaa aad ii soo jiitay. Midi waa xirfadda qoraaga iyo sida farshaxanka leh ee uu ugu xaragoonayo hab-qoraalka buugga. Qodobka labaad waa dhacdooyinka ama sheekooyinka buugga dhex ceegaaga kuwaas oo aad isku dhex ilaawayso mararka qaarna aad moodayso in aad filin daawanayso.

Tusaale ahaan marka uu ka sheekayno inqilaabkii 1961-kii iyo kii kadanbeeyay ee 1969-kii wuxu u soo bandhigayaa si yaableh. Wuxuu kale oo kaaba qoslinayaa marka uu dhex galo dhacdooyinkii mucjisada lahaa ee Iidi Ammiin Daada, Madaxweynihii hore ee Yugaandha. Run ahaantii waa buug aadan ka caajisayn kana daalayn akhriskiisa xiise iyo xaraaradna kugu beeraya. Xeeldheerida iyo aqoonta ku duugani waxay ka turjimaysaa waayo-aragnimada qotada dheer ee qoraaga. Waan ku bogaadinayaa qoraaga kaalintaa uu buuxiyay innagoo ogsoon in ay ka gaabiyeen in badan oo da’diisa ahi.

Intaas marka aan ka soo gudbo, waxa xaqiiqo ah bani’aadamku si kastoo uu u dedaalo in aan il-duuf laga waayayn. Qoraalkaygani wuxuu is dul taagayaa isla markaana isku dayayaa in uu toosiyo qaybaha udambeeya ee buugga, gaar ahaan inta u dhaxaysa 317 ilaa 342, kuwaas oo aan u arkay in qoraagu ku soo bandhigay taariikh kala dhiman. Wuxuu qoraagu guud mar kooban ku sameeyay  dagaalladii sokeeye iyo sidii loo soo af jaray waxaanu u dhigay sidan:

“Waxaa sannadkii 1994 dhammaadkiisii Somaliland ka qarxay dagaal sokeeye. Wuxuu ahaa dagaal xabaarsan ayaan-darro weyn. Dagaalkii sokeeye wuxuu ummadda u horseeday dib-u-dhac baahsan haddii ay noqoto xag dhaqaale iyo haddii ay noqoto xag siyaasadeed. Caalamku wuxuu Somaliland ka qaatay sawir ah in aanay waxba ka duwanayn Soomaaliya. Waxaa xusid mudan shaqsiyaadkii ka soo jeeday Somaliland kuna noolaa dalalka Yurub oo u soo gurmaday in ay nabad ka dhex abuuraan dawladda iyo beelihii ka soo harjeeday. Guddidaa nabadaynta waxaa guddoomiye u ahaa Xasan Maygaag Samatar, Af-hayeena waxaa u ahaa Faysal Cali Waraabe. Kulamo dhawr aha ayay guddidu la yeelatay Madxwayne Cigaal, Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada. Waxay kale oo ay kulamo la yeesheen madax-dhaqameedka beelihii ka soo horjeeday dawladda oo ay ugu tageen goobihii ay ku sugnaayeen. Waxay guddidu ku guulaysteen in ay isu soo dhaweeyaan labadii dhinac taasoo aakhirkii keentay in ay nabad rasmi ah ka dhalato Somaliland.” Qoraagu ma uu xusin ilaha uu xiganayo, sidoo kale masheegin guddidan iyo arrimiheeda in uu goob-joog ka ahaa.

Waxa ii muuqata in qoraagu aanu qaybtan baadhitaan dhammaystiran ku samayn isla markaana uu il-duufay qaybo ka mid ah dedaalladii nabadaynta Somaliland. Dedaalladaas waxa ka mid ahaa shir nabadeed  bishii July 1995 ay qabteen odayaal is xilqaamay oo ka soo jeeda beesha Ciidagale, kuwaas oo dedaal dheer u galay sidii dagaalku u soo af-jarmi lahaa. Waxaa iyaguna jiray shirar xidhiidh ah oo u dhexeeyey beelaha Galbeedka iyo Bariga Burco, kuwaas oo ka soo bilaamay Gaashaamo kuna soo gabagaboobay Beer. Dedaalladaas nabadaynta ayaan mid walba faallo kooban ka bixin doonaa.

Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo loo yaqaan Dr. Bulxan wuxuu ii sheegay in uu bud-dhig iyo aasaasba ka ahaa guddidaa nabadeed ee buuggu u nisbeeyey in ay colaaddii soo af-jareen. Dr. Bulxan wuxu yidhi: “15-kii November 1994 ayaa dagaalku Hargaysa ka qarxay. Baryahaa dalka waan ku cusbaa. Bishii January 1995 waxaan u tagay madaxwayne Cigaal. Waxaanan la soo qaaday in dagaalka la joojiyo. Cigaal aad buu iila yaabay, waxaanu iigu jawaabay laba nin ayaa dagaalka wada ee miyaad keeni karaysaa. Waa Cabdiraxmaan Axmed Cali “Cabdiraxmaan-Tuur” iyo Jaamac Maxamed Qaalib “Jaamac-Yare.”  Labadaa nin waxay taagan yihiin mowqif aad u durugsan, sidaas daraadeed waxan ku odhan lahaa wakhti ha iskaga lumin.

Bishii April 1996 ayuu mar kale Cigaal ii yeedhay. Markii aan u tagay waxaa la joogay rag door ah oo dawladdiisa ka tirsan. Wuxu iga codsaday fikraddii nabadaynta ee aan saddex bilood ka hor ula imid in aan mar kale ku celiyo si ay iila eegaan in ay maan-gal tahay iyo in kale.  Markaa labaadna waxba kama suuro gelin. Kadib waxaan u dhoofay Ingiriiska iyo Maraynkanka annagoo abaabulnay  aqoonyahankii iyo wax-garadkii qurbaha ku sugnaa si ay uga qayb-qaataan daminta colaadda. Sidoo kale waxaan Addis Ababa ugu tagay Cabdimajiid Xuseen oo ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan xukuumadda Itoobiya waxaanan ka codsaday in dedaalka nabadeed ee aanu wadno ay naga saacidaan, xaruna ay noo  noqoto Addis Ababa.  Codsigii wuxuu u geeyay Ra’iisal-Wasaare Meles Zenawi, waanu aqbalay. Kaalmadii aanu u baahnayna waanu ka helnay xukuumadda Itoobiya.  Halkaas bay ka aasaasantay guddidaas waxaana la isugu yimid Addis Ababa. Xasan Maygaag Samatar ayaa  guddoomiye loo doortay, Xasan Cabdi Buuni waxa loo doortay ku-xigeen, af-hayeenna waxa loo doortay Faysal Cali Waraabe.”

Bulxan wuxuu intaa raaciyay in ay laba kooxood isu qaybiyeen oo qayb guddida ka mid ah loo diray Hawd iyo jiidihii dagaalladu ka socdeen walow uu sheegay in ay dhaafi kari waayeen Gaashaamo sababo jiray awgood. Kooxda labaad oo uu ku jiray Bulxan waxaa loo diray  Hargeysa waxayna Cigaal gaadhsiiyeen warqad ay guddidu kaga codsanayso in uu dagaalka joojiyo. Guusha ugu weyn ee guddidaas wuxu ku sheegay in ay ahayd seeskii ay ka bilaabmeen  dedaalladii kala dambeeyay ee nabadayntu. Caqabadaha ugu waawayn ee gugidaa ka horyimi waxaa  kamid ahaa iyagoo ku beegmay xili aan wili loo bislaan nabadaynta

Sidii aan hore u soo sheegay, guddida kale waxay ahaayeen odayaal iyo aqoonyahan iskood isu xilqaamay kana soo jeeday beeshii dawladda ka soo horjeedday ee Koonfurta Hargeysa, waxaana ka mid ahaa Xaaji Cabdi-Waraabe, Maxamed Ismaaciil Cabdi “Xaaji Bidhaan”, Xasan Guure, Dr. Aadan Yuusuf Abokor, Maxamed Baaruud Cali iyo rag kale oo door ah. Mar aan Xasan Guure wax ka waydiiyay wuxuu ku jawaabay:

“Waxaanu marnay jiidihii dagaalladu ka socdeen iyo meelihii laga abaabulayey laakiin bulshadii halkaa joogtay waxay nagu qaabileeen dareen aad u kacsan iyo jawi colaadeed, waxaanay noo aaneeyeen in aanu ka socono xukuumaddii Cigaal. Kaam-Aborkor waxaa nagu qabsaday dagaal iyo diidmo xoog leh, rabshaddii halkaa ka dhacdayna dad baa ku naf waayey. Aakhirii waxaanu tagnay Xarshin oo aanu ku qabanay shir ballaadhan. Hindisahayagu wuxuu ahaa in aanu nabadda ka bilawno dhinaca qabaa’ilka, waxaa kale oo aanu danaynaynay in aanu isku xidhno dhaqdhaqaayaga nabadeed iyo kii markaa ka socday deegaanada bariga iyo hawdka Burco. Ugu dambayn waxaanu ku guulaysanay in aanu odayaal door ah keeno Hargaysa oo isla markaana iyaga iyo xukuumaddii aanu wada hadalsiino. Dedaalkayagii samo-doonka ahaa waxaa wiiqay dawladdii markaa jirtay oo iska dhex arki wayday guddida. Waxaanay abaabushay oo ay maalgelisay odayaal iyo waxgarad kale oo xaggeeda u janjeedha. Laakiin waxaanu ku guulaysanay in aanu furo albaabkii wada-hadalka.”

Waxa isna jiray oo aan la dafiri karin doorkii muuqday ee qiimaha iyo qaayaha lahaa ee uu nabadaynta ka  qaatay Suldaan Galaal oo baryahaas uun la caleemo-saaray.

Dhanka kale, dabayaaqadii bishii February 1996, waxaa degmada Caynaba shir uga furmay beelahah Bariga Burco. Shirkaas oo loo bixiyay “Caynaan” wuxuu idlaaday 14-kii April 1996. Waxa lagu doortay 33 xubnood oo guddi ah oo loo bixiyey “Hoggaan.” Qodobbadii shirkaa ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in ay beeshaasi hormuud ka noqoto nabadaynta iyo soo-af-jaridda colaadda ka oogan Somaliland.

Dabayaaqadii bishii May ee isla sannadkaas waxay guddidii Hoggaanku ka hawlgaleen dagaal ka qarxay tuulooyinka xuduudka  ka sarreeya. Dagaalkaas oo daaqsin iyo deegaan ku lug lahaa wuxuu u dhexeeyay beelaha Galbeeka iyo Bariga Burco. Dawladda Itoobiya oo u arkaysay in dagaalku dhulkeeda ka socdo ayaa arrintii soo dhexgashay, waxaanay xoog u adeegsatay odayaashii labada beelood iyadoo isugu gaysay degmada Gaashaamo amarna ku siisay in ay go’aan soo saran. Odayadii labada dhinac waxay isla garteen in ay si madax bannaan ay arrinta uga shiraan, beeshii Bariga Burcana waxay ballan-qaadday in ay gogol nabadeed dhigayaan Baali-dhaye oo hoos tagta degmada Gaashaamo.

4-tii June 1996 ayaa shirkaas oo ahaa mid ballaadhani furmay. Wuxu ahaa shirkii ugu horreeyey ee aan gabay ka tiriyo.  Waxaan weli xusuustayda ka bixin Ibraahim Aw Nuur oo kamid ahaa waayeelkii shirka hoggaaminayey ayaa loo soo sheegay in inankiisii la dilay. Wuxuu ku jawaabay “Inankayga ha u aarina ee nabadda u aara.” Ibraahin markii dambe wuxuu ka mid noqday Golaha Guurtida.

Horraantii bishii July ayaa Beesha Galbeedka Burcona gogol nabadeed dhigeen degmada Duruqsi oo ka tirsan gobolka Togdheer. Wada-hadallada shirarku waxay u badnaayeen waji qabiil, iyadoo la iska dhawray in siyaasad la dhex geliyo. Siyaasiyiintii waxaa lagu wargaliyay in aanay ka soo qayb geli karin shirkan maadaama uu shir dhaqan yahay.

Waxa xigay shirkii Waraabeeye oo furmay bishii August. Waxaa xusid mudan in shirkaa Waraabeeye ay noogu yimaadeen xubno ka socda Golaha Guurtida. Balse waxaa ku gacan saydhay dhinac ka mida darafyadii shirku u socday, waxaanay ku hanjabeen in ay shirka ka baxayaan haddii aan Guurtida laga saarin. Xubnihii Guurtida waxaanu ka codsanay in ay iska laabtaan, waanay naga aqbaleen.

Shirarkaas taxanaha ah ee bilaha isku xiga la qabanayey waxa ugu dambeeyey shirkii Beer. Shirkaasi  wuxuu kaga duwanaa kuwii hore waxaa ka soo qayb galay oo lagu casuumay guud ahaan beelaha Somaliland ku abtirsato. Waxaa iyaguna goobjoog ahaa haldoor ka mid ah saraakiishii SNM, madax-dhaqameed, siyaasiin miisaan leh iyo cidkasta oo ka horjeedday xukuumaddii xiligaa jirtay ee Cigaal.  Waxaa kale oo arrinta sii cuslaysay shirweynihii beelaha ee la qorsheeyey in uu Hargeysa ka furmo horraanta 1997,  kaas oo lagu dooranayey madaxdii dalka hoggaamin lahayd iyadoo wakhtigaas (dabayaaqadii 1996) ay Guurtidu wadeen turxaan-bixin iyo nabadayn gogol-xaadh ahayd. Shirkaa Hargaysa waxaa werwer iyo cabsi ku beeray shirka Beer ka socday, waxaanay xukuumaddii iyo Guurtiduba u arkeen shir siyaasadeed ka dhan ah ka ay Hargaysa ka abaabulayeen maadaama aanay ka soo xaadirin Beelaha Bariga, beelihii mucaaradka ahaa iyo intii siyaasiyan u diidanayd shirkaas. Gabay aan shirkaa Beer ka tiriyay ayaan ku xusay werwerka iyo cabsida soo food saartay geedigii nabadda. Waxaana ka mida ahaa.

Gurmad lagu aloosiyo haddaan gaadhka lagu meerin

Gar-ma-qaatayaashiyo haddaan geed xun laga maarmin

Inta geela daaqda leh haddaan gararka loo jiidin

Abrisyada god jiifka haddaan galawgu ii sheegin 

Gugumaa hadaafiyo haddaan goodka laga weedhin

Gamashiga ka muuqdiyo wakhtigu gaagax waw halis

Gababadii shirka Beer waxaa la soo jeediyay aragti odhanaysa in laga dhigo shirwayne beelaha Somaliland ku doortaan hoggaan cusub,  ka Hargayansa aan laga qayb galin , iyadoo la is tusaaleeyay in aanu shirka Hargeysa ka furmayaa ahayn mid ka madax bannaan xukuumaddii xiligaaa jirtay. Laakiin arrintaa waxaa ka soo horjeestay Axmed Siilaanyo oo markaa ahaa siyaasiyiintii madasha ku sugnayd kii ugu miisaanka cuslaa. Wuxuu yidhi “Ma doonayo in ay Somaliland yeelato laba hoggaamiye oo sidii Caydiid iyo Cali-Mahdi laba meelood lagu kala doorto kadibna hubka isku qaata.”

Gabogabadii shirka  waxaa la xulay 22 xubnood oo uu hogaaminayo Suldaanka Guud ee beelaha Bariga Burco, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse, waxaana loo diray Hargaysa si ay  xukuumadda iyo Golaha Guurtida ugu qanciyaan  in shirka  dib loo dhigo inta ay dhammaystirayaan arrimaha nabadda. Waxaa kale oo ay sii kaxeen maxaabiis 80 ku dhaw oo beesha Galbeeka Burco ku soo wareejisay shirkii Beereed.

Xildhibaan Sahal Iidle Dirir oo hadda xubin ka ah Golaha Guurtida isla markaana ahaa xoghayihii guddidii Hargeysa loo diray ayaa sidan uga war bixiyey: “Codsigii aanu  xukuumadda iyo Guurtida ula tagnay ee ahaa in shirka la hakiyo  markii hore  waa nalagu  gacan saydhay. Dhawr jeer markii aanu isku celcelinay wax tanaasul ahna aanu waynay aakhirkii waxaanu go’aansanay in aanu iska noqono. Markii aanu alaabtii xidhxidhanay baabuurtiina diyaarsanay ayaa naloo yimi waxaana naloo sheegayn in codsigayagii ahaa in shirka la hakiyo nalaga  aqbalay. Balse waxay soo jeediyeen in wixii farsamo ahaan u baahan ay si hoose u wadanayaan. Ergadii shirka Beer ka socotay iyo xubno Guurti ahaa oo lagu kordhiyayna waxaa loo diray Koofurta Hargaysa iyo jiidihii dagaalladu ka socdeen.

Markii uu furmay shir-beeleedkii Hargaysa waxaa laga xulay guddi loogu yeedhay “Guddida Turxaan-bixinta” waxaana is barbar socday doorashooyinkii madaxtinimo ee shirka iyo arrimihii nabadaynta. Ugu dan bayntii bishii February 8-deedii, 11-keedii iyo 12-keedii 1997 ayay soo wada xeroodeen xoogagii hubaysnaa ee ka horjeeday  xukuumadii Cigaal, isla February 23-keediina waxa dib madaxweyne loogu doortay Cigaal, iyadoo Daahir Rayaale-na ku xigeen loo doortay. Sidaasaana colaaddii isku taagtay, nabadiina ku xidhantay . Yaasiin Jaamac Nuux “Suldaan” ayaa mawduucan si fiican ugu faahfaahiyay buuggiisa Nabdshe. Guud ahaan dagaaladaas waxaa lagu tilmaami karaa ayaan-darro wayn oo aan if iyo aakhiro midna wax tar u lahayn.bulshada

Buraanbur ay tirisay Saado Cabdi Amare ayaa sifaynaya macno-darida dagaalladaas, waxaanay tidhi.

Shisheeye hadduu is dilo waabu kala durkaa

Marada labadeeda dacal ayaa dab ii qabsaday

Ee haddaba Deeqaay dagaalkani muxuu ahaa?

Oo maxay daantani daantaa ku diidan tahay?

Isku soo wada xooriyoo cidkasta oo nabadayntii ka hawlgashay waxay mudan tahay mahadnaq, ammaan iyo bogaadin. Waxaanan odhan lahaa ciddii wax ka qoraysaa waa in ay sifiican u daraasayso wakhtina siiso ururinta iyo dabagalka taariikheed si loo helo sawir dhammaystiran.

Waxa qoray: Yuusuf  Cismaan Cabdule “Shaacir”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.