Xog ku saabsan Dacwadda Badda ee ka dhaxaysa Somalia iyo Kenya (WQ: Guuleed Axmed Jaamac)

Dawladda Somalia waxaay 28-kii August 2014 u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda dacwad ka dhan ah Kenya. Nuxurka dacwadda Somalia waxaay ku qotontay xadka badeed ee aag ay labada dal ba sheeganayaan lahaanshihiisa.

guuleed-500x500
Guleid Ahmed Jama

Somalia waxaay ku dooday in labada dal ay ku muransan yihiin xadku halkuu maro islamarkaana ay fashilmeen wada hadaladii diblomaasiyadeed ee labada dal dhex maray si loogu maaro helo khilaafka.

Somalia markaas waxaay Maxkamadda ka codstay inay dejiso xadka badeed ee u dhexeeya labada dal.

Dawladda Kenya waxaay 7dii October 2015 Maxkamadda u soo gudbisay is-hortaag ku qotoma awoodda ay Maxkamaddu u leedahay qaadista dacwadda iyo aqbalidda arjiga dacwadeed ee Somalia.

Kenya waxaay is-hortaageeda ku sallaysay qoraal is-afgarad ah (MoU) oo Kenya iyo Somalia kala saxeexdeen 7dii April 2009. Iyada oo ku dooday in qoraalkaasi keenayo in Somalia iyo Kenya aanay Maxkamad isla gellin ee arinkooda ku xalishaan sifo ka baxsan Maxkamadda.

Sidaasdarted, Maxkamaddu waxaay hakisay ka garniqidda nuxurka dacwadda. Waxaayna u soo jeedisay Somalia inay ka jawaabto is-hortaagga.

Somalia waxaay u soo gudbisay Maxkamadda jawaab-celinta is-hortaagga. Kadib waxaay Maxkamaddu go’aamisay inay dhegaysato 19ka ilaa 23ka September 2016 is-hortaagga ay Kenya soo gudbisay iyo jawaab-celinta Somalia.

Sidaasawgeed, waxa hada horyaal Maxkamadda waa is-hortagga ay soo gudbisay Kenya. Maxkamaddu waxaay go’aamin doontaa laba arimood midkood: (1) in Kenya ay ku saxan tahay is-hortaagga oo la joojiyo dacwadda; iyo (2) in Kenya ay ku qaldan tahay is-hortaagga oo ay tahay in la gudo galo dhegaysiga nuxurka dacwadda. Markaas kadib bay gudo gelaysaa Maxkamaddu inay dhegaysto dacwadii ay soo gudbisay Somalia ee ku saabsanayd xadaynta.

Guleid Ahmed Jama

Hargeisa Somaliland

Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.