BUUGGA: How To Win Friends And Influence People

7 May 1931 kii, magaalada New York ee carriga Maraykan waxaa ka dhacday baacsashadii ugu darnayd ee taariikhda magaalada soo marta. Bilayska ayaa sakadaha dhex eryaday Francis Crowley oo ahaa 19 jir ku caan baxay naanaysta ah laba baastooladle (Two Gun). Waxa uu ahaa dilaa uu bilaysku laba toddobaad ku raadjoogay oo aan SIGAAR, KHAMRI IYO BALWAD kale oo maanka doorisa midna lahayn.

150 askari oo bilays iyo saraakiil dembi baadhayaala ah ayaa go’doomiyey guri uu galay oo ahaa sar ay jacaylkiisu deggenayd. Qoryaha darandoorriga u dhaca ayaa ay ku soo dul rakibteen dhismayaasha ku xeeran guriga uu ku jiro, iyaga oo dhammaantood isha ku haya diiradda si ay u shiishaan bartilmaameedka. Qayb ka mid ah bilayska oo guriga dusha sare uga baxdayna inta ay ay saqafka sare dalooliyeen, ayaa ay isku dayayen in iyaga oo adeegsanaya gaasta dadka kaga ilmaysiisa ay soo saaraan gacan ku dhiiglaha.

Muddo saacad ka badan ayaa dhawaqa keliya ee laga maqlayo mid ka mid ah xaafadaha ugu quruxda badan New York, waxa uu noqday sanqadha rasaasta baastooladda iyo xabbadaha ka dhacaya qoryaha darandoorriga u dhaca. Crowley oo ateero ka dhigtay kursi cufan ayaa rasaas aan kala joogsi lahayn la beegsanayey bilaysaka, jidadkana waxaa tubnaa dad lagu qiyaasay 10 kun oo si xamaasad leh u daawanayey dhacdadan aanu nooceed hore u soo marin jidadka New York.

Ugu dambayn nolol ayaa lagu qabtay Crowley, sarkaalii bilayska ee hawlgalka masuulka ka ahaana waxa uu sheegay in, ‘dhagarqabahan nolosha ka quustay ee labada baastooladood sitaa uu ka mid yahay dembiilayaasha ugu khtatarta badnaa taariikhda soo martay bilayska New York.
Waxa yaabka ku noqdayna waxa uu ku sheegay shiishyahannimada ninkan oo ilqabatin ka shiishi kara baal shimbireed.

Haddii sarkaalkani uu Crowley ku sheegay khatar, Crowley isagu sidee uu isu arkayey?
Intii uu guriga ku jiray, ayaa rasaasta oo ku socota waxa uu qoray warqad uu ku bilaabay ‘Ku socota cidda ay khusayso’. Warqadda oo goobo casaan ah uu u yeelay dhiigga ka tiflahaa dhaawaca uu qabay, waxa uu ku qoray, “Jaakeedka aan xidhanahay waxaa ka hooseeya wadne daallan, laakiin Xariir ah oo aan cidna dhib u geysan doonin”

Ninka sidan u hadlayaa waa Crowley. Waqti yar ka hor marka uu ereyadan qorayey, isaga oo gabadh saaxiibaddii ahayd ay ku wada jireen gaadhigiisa oo taagnaa jidka hareertiisa, ayaa waxaaa si kedis ah ugu yimid askari bilays ahaa. Waxa uu weydiiyey ‘Rukhsaddiisa gaadhi wadista’. Isna ereyba kuma uu celin ee inta uu baastoolad la soo baxay ayaa uu dhulka ugu tuuray xabbad. Kama uu hadhin ee inta uu gaadhiga ka soo booday oo baastooladdii ka dulqaatay ayaa uu ku dhaawac tiray xabbad uu sujuudda kaga dhuftay.

Hadda waa ninkii markan dambe qorayey, “In qalbigiisu aanu cidna dhibaato gaadhsiin doonin”

Crowley waxaa lagu xukumay dil ah in koronto lagu khaarajiyo, laakiin markii uu soo gaadhay qolkii dilka ma waxa uu yidhi, “Waxa igu dhacayaa waa abaalka dilkii aan dadka u geystay!?

Maya, waxa uu yidhi, “Waxaa la igu dilayaa, maxaad naftaada u difaacday!”

Biyadhaca sheekadani waa in laba baastooladle Crowley aanu ‘wax canaan ah u jeedin naftiisa’.

Ma u malaynaysaa in dhaqankaasi uu yahay mid dhagar-qabayaasha oo dhami ay iska leeyihiin?
Haddii ay sidaas kula tahay, bal qisadanna akhri …

LA SOCO…

Xigasho: Kamaal Marjaan

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap