Golaha amaanka oo taageeray go’aankii madaxweynaha Soomaaliya doorashada 2016

USA, New York – (warsoor) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay go’aanki Madaxweynaha Somaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmuud ee ku saabsanaa hannaanka doorashada madaxtinimada dalka ee 2016-ka.

War qoraal ah oo ka soo baxay golaha ammaanka ee Q. M. maanta oo talaado ah ayaa lgu taageeray xeerki madaxweynuhu ku ansixiyay in doorashooyinka dalka ay ku qabsoomaan waqtihii loo qorsheeyay.

Golaha ammaanka ayaa si weyn u ammaanay dadaalka madaxweynaha iyo xukuumaddiisu ay ku dammaanad qaadeen howlaha doorashada madaxtinimada dalka.

Qaramadda_Midoobay

Sidoo kale goluhu waxeey sheegeen in caqabadda ugu adag ee xilligan hortaalla Soomaaliya ay tahay sidii dorrashada ay ugu qabsoomi leheyd waqtigii loo asteeyay, iyagoo ku boorriyay dhinacyada Soomaalida iney ka wada shaqeeyaan sidii looga baaqsan lahaa dib u dhac ku yimaadda doorashada.

22 bishan ayeey aheyd markii madaxweyne Xasan Sheekh uu xeer madaxweyne ku meel mariyay hannaanka doorashooyinka dalka.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.