Tahriibayaal Soomaali u badan oo laga soo bad baadiyay badda Mediterranean-ka

Mediterranean – (warsoor) – Warbixin ay qortay VOA-da laanteeda Afafka Qalaad ayaa lagu sheegay in ciidamada illaalada badda ee dowladda Talyaaniga ay badda Mediterranean-ka ka soo bad baadiyeen ku dhawaad 2,000 oo tahriibayaal Soomaali u badan oo ku siijeeday xeebaha dalka Talyaaaniga, si ay u gaaraan Qaaradda Yurub.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in muhaajiriinta la bad baadiyay ay saarnaayeen doomo ka sameeyay goomayaal la aaryeeyay oo dhex sabeynayay bada Mediterranean-ka, waxaana lagu soo waramayaan in qaar ka mid ah muhaajiriinta la geeyay jaziiradda Malta ee dalka Talyaaniga, si loola tacaalo xaaladooda caafimaad, maadaama ay heysato dhibaato bani’danimo oo aad u liidato.

tahriibayaal

Sarkaal u hadlay Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in markab xamuul ah uu ka qeyb qaatay bad baadinta muhaajiriinta, waxa uu sheegay in cimilada badda Mediterranean-ka oo sii fiicnaaneysa ay sahashay in tirada muhaajiriinta ay soo kororto.

Warbaahinta Caalamka ayaa sheegtay in sanadkaan kaliya ku dhawaad 30,000 oo muhaajiriin oo ka yimid dalalka ka hooseeya Saxaraha laga soo bad baadiyay Badda Mediterranean-ka, kuwaas oo la geeyay xero qaxooti ku yaal Talyaaniga

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.