Gudiga madaxbanaan ee Doorashooyinka oo ka hadlay Eraybixinta Doorashooyinka

Muqdisho – (warsoor) – Kulankan uu soo qaban qaabiyay guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka socday Wasaaradaha Arrimaha gudaha, Tacliinta sare, quburo ku xeel dheer afka Hooyo, ururrada bulshada rayidka iyo xubno kale ayaa looga dooday erey bixinta ku saabsan doorashooyinka, si bulshada Soomaaliyeed ay wax badan uga fahmaan macnaha doorasho ay tahay.

Kulanka  ayaa looga dooday 30 erey oo laga soo turjumay luuqado kale, kuwaasi oo ay macno ahaan soo diyaariyeen qoroyaasha kala ah Axmed Faarax Idaajaa, Yuusuf Garaad Cumar iyo C/fataax Cabdullaahi Gacmo dheere, iyadoo Yuusuf Garaad iyo C/fataax Gacmo dheere ay goobta ka sharaxeen Eray bixinta ay soo diyaariyeen.

Intaas kadib ka qeyb galayaasha ayaa ka dooday erey bixinta doorashooyinka, iyagoo ku daray tallooyin iyo sida ku haboon.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Cismaan Xaliimo Yareey  oo Warbaahinta la hadashay ayaa tilmaamtay in quburadii ka qeyb galay kulanka ay maanta ka doodeen 30 erey, ayna joogteynayaan qabashada kulamada nuucaani oo kale ah..

Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in ujeedka guddiga ay tahay sidii dalka ay u gaarsiin lahaayeen doorasho cod iyo hal qof.

Doodan ku saabsan erey bixinta doorashooyinka ayaa imaaneysa xilli ay nagu soo fool leedahay doorashada Madaxtinimo ee dalka oo waqti dhaw ka dhacay dalka.

Guddida_Arimaha_Doorashooyinka_Soomaaliya2 Guddida_Arimaha_Doorashooyinka_Soomaaliya

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.