DOOROSHO AAN MIDHO DHAL LAHAYN. W/Q Khaalid Axmed Aways

Waqti hada laga joogo burburkii dawladii milatariga ahayd ee Somalia 1991, waxaa qolo walba ku caano shubaysay Oday dhaqameed, ama Siyaasi ama Wadaad inuu yeesho hogaanka qolyahaas, laakiin midna kumaysan aflixin ama waaba yartahay inta hogaamiye ee xaqiijisay hankii laga lahaa.

Waxaase dhab ah tilmaamihii laga rabay hogaamiyayaashaas inaysan dhamaystirin amaba aysan dadka talada u igmaday aysan fahmin kadib markii ay indho tirtay dano sokeeye iyo mid kale oo cudur ka galay dhaqankii oo ka doorshay wadaniyadii.

Khalid_axmed

Intaa waxaa inoo dheerayd inagoo mar walba abaal marina nin aynu markaa ku sheegayno mujaahid, ama aynku doodayno inu dalkan duurka ugalay markii dhamacdu baxaysay.

Somaliand mudo imka laga joogo 25 sanadood waxay weli xaqiijin kari laadahay hiigsidii iyo himaladii ku beermay mudadaas hore aynu soo sheegnay.

Raga maanta ku loolamaya inay majaraha u qabtaan dalka, marka dadka aqoonta iyo caqliga labada lagu tuhmayo ay saadaaliyeen ama ay ka hadleen waxay kusoo koobeen laba mid uun.

Mid adiga maanta ku raali geliya ama dhaameelka kuu lula, isagoo taa bedelkeeda kugu fushaynaya dantiisa khaaska ah iyo mid maanta adiga raali anad ka noqon siduu wax uwado balse leh mawhibooyin iyo daacadnimo xadhkaha goosatay oo isaga uqarsoon taasoo horumar kugu gaadhsiiyo adiga mudo aan badnayn iyo dadka kaa dambeeyay ee alle kaa beeri doonaba.

Dookha ama doorashada koowad maanta waxa iska leh dhaalinyarada, kuwaaso la sheego maanta inay ka yihiin nisbada jamhuuriyada somaliland 70% cecelis ahaan. Waana fursad maanta aanay helin wadamo badan oo xiiseeya ama u hamuum qaba inay horumar gaadhaan.

Nidaamyadii dalka soomaray 25kii sanadood ee inasoo dhaafay wax sidaasa ismay dhaamin dhanka horumarka marka loo eego, balse waxa jiray guulo badan oo ay ka gaadheen dhinacyo badan oo dhismaha dawladnimo khuseeya.

Maanta waa laga maarmaana inaynu farteena ku keeno hogaamiye ka turjuma baahida bulshadiisa, isla markaana wax ka bedela nidaamyo badan oo rag badani kuso ceesheen oo markaste oo madax la dooranayo ay shaqsiyaadkasi dabada geliyaan.

Khaled Ahmed Aweys

Hargeisa

Email:Aways009@Gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.