Xus oo xusuuso marxuun Max’d Xaaji Ibrahim Cigaal Taariikhdiisii oo ma guuraan ah

Marxuun Maxamed Ibraahim Cigaal oo ay da’diisu tahay ku dhowaad 75 sano, waxaa uu jamhuuriaydii Soomaaliya ka soo noqday Ra’iisal Wasaare xiligii ay Somaliland ka mid ahayd midowgii 1960 kii ay la gashay Soomaaliya.

Geerida maxruun Cigaal oo dhacday 3dii May sanadkii 2002dii waxa shaaciyey oo mariiba xaqiijiyey Wasiirkii warfaafinta ee Jamhuuriyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale ee xiligaa.

Marxuun_cigaal

Cigaal waxaa lagu tilmaami karaa siyaasiyiintii xiligii Soomaaliya iyo Soomaaliya ee xilalkiisa oo kale qabtay kii ugu wakhtiga dheeraa nolosha siyaasadda, waxaanu ahaa aabihii aas aaska dawliga u sameeyey Somaliland.

Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu ku dhashay qiyaasyii sanadkii 1929- kii degmada Odweyne ee gobolka Togdheer. (Imia Daadmadheedh).

Yaraantiisii wax uu ku barbaaray magaalooyinka Burco, Berbera iyo Sheekh, oo uu ku dhameystay waxbarashadiisii malcaamadda qur’aanka ilaa iyo dugsiga Sheekh.

Warbarasha sare ayuu u tegay oo la xidhiidha xagga ganacsiga magaalada London ee waddanka Britain, waxaana uu dalka dib ugu laabtay, horaantii sanadihii 50 naadkiii oo xilligaasi ay aloosnayd dabeyshii xornima-doonka xisbigii SNL.

Sanadkii 1956-dii Allaha U Naxariistee marxuun Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal waxaa loo doortay in uu noqdo xooghayihii guud ee xisbiga SNL, (Somali National League) ee u halgamaayey xornimadii Soomaaliland.

Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiin kooban oo waayo arag u lahaa sida caalamku u shaqeeyo xiligii uu siyaasda ku jiray iyo xilogii uu hogaanka qabtay.

Bishii Feberwari, sanadkii 1960-kii, Allaha U Naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, waxuu gacantiisa ku soo saxiixay, in Soomaali-Land ay xornimadeeda ka qaadato Dowladda Ingriiska taariikhdu markeey tahay 26-ka Juun ee sanadka 1960-ka.

Markaasi waxaa marxuun Cigaal ku wehliyay heshiiskaas, rag ay ka mid ahaayeen marxuun Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahim Nuur, Axmed Keyse Ducaale, iyo Maxamuud Cabdi Carraale, dhamaanba Allaha u naxariisto’e.

Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Allaha u naxariistee wax uu noqday hogaamiyihii u horeeyey ee Somaliland, kadib markey xornimadeeda gaadhay 26-kii Juun sanadkii 1960-kii. Xiligaas oo Somaliland loo aqoonsaday dal madaxbanaan oo goonidii u taagan.

1-dii July 1960-kii markii ay Somaliland ku biirtay Soomaaliya si ay u wada sameeyaan Jamhuuriyad Soomaaliyeed, Somaliyana oo horeba u hoos iman jirtay UNta ilaa 1954-kii ay iyana xornimadoodii ka qaateen dowladda Talyaaniga ee ay dhalatay jamhuuriyadda Soomaaliyeed, marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo hogaaminaayey garabkii ka socday Somaaliland wuxuu noqday wasiirkii gaashaandhigga ee ugu horeeyey ee Jamhuuriyadii Soomaaliyeed ee hiigsanaysay 5ta Soomaaliyeed, sida calanka buluuga ahi tilmaamayo.

Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wax uu kaluu noqday wasiirka tacliinta ee Soomaaliyeed 1963-dii ilaa iyo 1964-tii, hase yeeshee wuu iska casilay gollihii wasiirrada ee sanadkaasi, isagoo hogaamiye ka noqday xisbi mucaarad ahaa oo la oran jiray SNC,markii dambena wuxuu ku biiray Cigaal xisbigii SYL.

10-kii July 1967-dii, wuxuu noqday marxuun Cigaal ra’iisul-wasaaraha Soomaaliyeed, markii marxuun Cabdirashiid Cali Sharma’arke loo doortay xiligaasi madaxweynihii Soomaaliyeed.

Cigaal mar kale ayaa loo doortay jagadaasi ra’iisul-wasaaraha doorashooyinkii 1969-kii, hase ahaatee dawladiisii lama shaqayn.

21 Oktoobar 1969-kii waxa inqilaabay dawladii uu hogaaminayey marxuun Cigaal hogaamiyihii milatari Maxamed Siyad Barre, marxuun Maxamed Ibraahim Cigaal wax uu ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu dambeeyey ee dowlad Soomaaliyeed oo la doorto, waana la xidhay, wuxuuna Cigaal Xabsiga ku jiray ilaa iyo 1981-dii bishii February, marka laga reebo muddo sanad ka yarayd oo ahayd 1975-tii ilaa iyo 1976-dii, oo mar loo agacaabay Danjiraha Soomaliya u fadhiya New-Delhi ee dalka Hindiya, kadibna islamarkiiba xabsiga ayaa dib loogu celiyey.

Sanadihii horaantii 80kii ayaa la soo daayey, waxana sanadkii 1985-tii jirtay in mar hogaamiyihii miliatari u magacaabay marxuun Cigaal guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, laakiin kumuu raagin jagadaasi, ee wuu iska casilay markiiba.

Burburkii dowladdii Soomaaliyeed ee ka dhalatay midowgii Somaliland iyo Soomaaliya ka dib, marxuun  Cigaal wuxuu ka qeyb galay sanadkii 1991-dii, shirkii dib-u-heshiisiinta ee Soomaalida ee Jabuuti, hase haatee markii uu arkay sida wax u socdaan waa uu iskaga soo baxay, waxanu taageeray go’aankii lagu qaatay magaalada Burco sanadkii 1991-kii bishii May 18keedii ee qeexayey in Somaliland dadkeedii ka noqdeen midowgii burburay ee sanadkii 1960 kii ay la galeen Somalia.

Sanadkii 1993-dii bishii May 5-teedii marxuun Cigaal waxaa loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, iyadoo jagadaasi dib hadana loogu doortay sanadkii 1997-kii magaalada Hargeysa.

Marxuun Cigaal waxa uu noqday madaxweynihii 2aad ee ay Somaliland yeelato kadib marxuun C/raxmaan Tuur oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ilaa iyo intii dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland ee sanadkii 1991-kii oo ilaa sanadkii 1993-kii hogaanka ay haysay xukumada ku abtirsata ururkii SNM (Somali National Movement) oo ah kii dalka ka xoreeyey xukumadii miliatariga ahayd ee burburisay midnimadii labad dhan ee 1960 ki midoobay.

Dhamaadkii sanadkii 2001-dii waxa uu sameeyey Urur siyaasadeedkii la odhan jiray UDUB (Ururka Dumuquraadiga Umadda Bahoowday) oo ku shaaciyey in Somaliland u gudubtay mar kale hanaanka xisbiyada badan, maadaama ay ka hor sanadkii 1960-kii ay lahayd haanaan xisbiyo badan ka hor intii aanay kaga burburin xiligii la midawgii Soomaaliya.

Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo xanuun la sheegay in uu ka haleelay midhicirada caloosha uu dabiib caafimaad u doontay dalka Koonfurta Afrika iyadoo ay wehliso marwadiisa Kaltuun Xaaji Daahir iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradii xukumadiisa iyo dhakhtarkiisii khaaska ahaa ee Dr. Cali Qaadi.

Marxuun Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal Allaha u naxariistee, wuxuu guursaday intii uu noolaa 5 dumar ah, wuxuuna dhalay 5 caruur ah oo kala ah saddex wiil iyo laba gabdhood, oo intaba ay u dhashay marxuumad Marwo Caasha Saciid Caabi. Hase haatee waxa uu ka geeriyooday Marwo Kaltuun Xaaji Daahir oo ahayd afadiisii ugu dambaysay ee uu qabay, waxayna ku nooshahay magaalada Hargeysa.

Marxuun Cigaal waxa lagu xusuustaa saldhigii dawladeed ee uu u yagleelaya Jamhuuriyad Somaliland, waxaanu ahaa siyaasiga ugu miisaanka weynaa siyaasiyiinta Soomaalida. Waxa u dheeraa marxuun Cigaal aqoonta uu u lahaa dhaqanka iyo hanaanka beeluhu ku kala baxaan xeer ahaan iyo habka la iskugu hayo bulshi kala ab tirsata.

Haykalkii dalwadeed ee uu marxuun Cigaal dhisay waa ka ay Somaliland maanta ku dhisan tahay, sida habka dawliga iyo hanaanka xisbiyada badan iwm.

U ducee marxuunka isaga iyo intii dhimatayba.

Qore: C/laahi Maxamed Cali

London  – UK

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap