DHIBAATADA DHAQAALE: HANDARAABKA IYO KALA FOGAANSHAHA BULSHEED

HORDHAC

Digdig iyo mutuhis iyo
Dul-ka-xaadis mooyee
Bal si daawo loo helo
Darsa eelka lama odhan
GAARRIYE (AHN) — Daba Taxan— (05/01/1997)

Dawladdo badan oo Yurub ah iyo Mareykanka ayaa si ay u xoojiyaan kala fogaansha bulsheed waxa ay fuliyeen tallaabooyin xaddidan oo ku meel gaar ah. Dawladda Somaliland iyo Dalal badan oo Afrikaan ah oo aan weli si dhaba u ogayn heerka dhabta ah ee uu marayo sadhada Coronavirus ayaa si degdeg ah u dabaqey- qaarkoodna waxa ay qaadeenba tallaabooyin kuwaas ka adag.

Xaalku marka uu sidaa yahay haddana wey yartahay fallanqeyta ku saabsan cawaaqib xumada caafimaadka Adaanaha ee ka dhalaneysa tallaabooyinka aynnu qaadney. Sidoo kale ma jirto dood ku saabsan sida kala duwanaanshaha duruufeed iyo farqi ee u dhexeeya Afrika iyo Mareykanka, Yurub iyo Aasiya in aan hal waddo loo wada mari karin xalka.

Dulucdeedu waxay tahay;
Dawga aada Boorama
Kuma geeyo Daafeed
— GAARRIYE (AHN) — Daba Taxan — (05/01/1997)

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) Marka shabakaddooda aad eegto kuma jiraan tilmaan-bixin farsamo oo ku saabsan sida ay dawladaha Afrikaanku  ula tacaali karaan marka lee eego waayaha u gaarka ee ay kaga duwan yihiin dalalka hore u marey. Tallaabooyinka lagu taliyey dhammaan waa qaar caalamiyeysan oo isku mid ah lakiin duruufuhu waa qaar kala duwan.

Haddii aynnu ku guuldaraysano in aynnu aqoonsano  hal cabir in aanu ku habboonayn xalka mushkiladan, waxa ay innagu  yeelan kartaa cawaaqibyo halis ah, oo laga yaabo xitaa in ay ka badnaadaan kuwa fayraska laftiisa.

Prof. Paul Collier, oo ku takhasusay dhaqaalaha iyo siyaasadda dadweynaha kana tirsan Jaamacadda Oxford, Ahna Agaasimaha International Growth Center (IGC), ayaa wax uu yidhi “ Maaddaama uu faysarka dhowaan soo ifbaxay, weli ma cadda xeeladaha sida ugu haboon u shaqeyn kara, lakiin waddamada Afrika waa in aysan ku dayan nidaamka reer galbeedka oo ay aad uga taxaddaraan marka ay fulinayaan tallaabooyinka handaraabka ama xidhxidhnaanta”. Wuxuu intaas ku darey in aragtidiisa, dhibaatada ugu weyn ee ku dhici karta Afrika aaney ahayn Mushkiladda COVID-19 lakiin ay tahay dhaqaale burburka ku dhacey dhaqaalaha reer Galbeedka.

Doodda dadweynaha ee ku aadan istiraatiijiyadaha wax looga qabanayo COVID-19 badanaa waa mid ku qotonta tixgelinta caafimaadka oo kaliya balse dhinaca dhaqaalaha aan xooga saarin. Xaqiiqdu’se waxa ay tahay, siyaasadda dhaqaalahu waxay leedahay cawaaqib caafimaad. Siyaasadda caafimaadkuna waxay leedahay cawaaqib dhaqaale. Labaduba wax ay u baahan yihiin in aynnu u aragno in ay isku sidkan yihiin.

Marka laga hadlayo Somaliland, waddanku hadda wuxuu wajahayaa saddex dhibaato oo isku xidhan. Midi waa khatarta Masiibada COVID-19 uu ku keeni karo Caafimaadka bulshada. Saameynta dhaqaale iyo caafimaad ee ka dhashey Handaraabka iyo dhibaatooyin dhaqaale oo farabadan oo iyagu hore u jirey balse aan la xidhiidhin Masiibadan. Sida Shaqo la’aanta, Hoos u dhaca Koboca Dhaqaalaha, iyo Sicir Bararka.

Tallaabo kasta oo suurto gal ah si loo xakameeyo Covid-19 wax ay u baahantahay in wax lagaga qabto dhammaan seddexdaa marxaladood ee kor aynnu ku xusney. Haddii diiradda aynnu saarno Caqabadaha Caafimaadka oo keliya oo aynaan fiiro gaar ah siinin arrimaha dhaqalaaha wax ay horseedi doontaa culays dhaqaale, waxayna sidoo kale carqalad ku noqon doontaa hawlaha caafimaadka.

Aragtidayda ma qabo xannibaadda dheer iyo Handaraabku in ay dalka u horseedi doonto ka cidhibtirka fayraska, laakiin waxay ku dambayn doontaa cawaaqib xumo caafimaad iyo mid dhaqaale oo aan la aqbali karin.

KALA FOGAANSHAHA BULSHEED MAKA HIRGELI KARTAA MAGAALOOYINKA DALKA

Marka aynnu eegno in xarumaha ganacsiga ee magaalooyinku ay yihiin buundooyin dhaqaale oo waa weyn wax ay si dabiici ah oo aan kala sooc lahayn u qaadi doonaan culeyska dhaqaale ee ka dhasha handaraabka laba jibaaran. taasina wax ay si dhakhso ah u baabiin doontaa dhaqaalaha guud ahaan.

Magaalooyin badan oo kamida Gobolada dalka qiyaas ahaan in ku dhow boqolkiiba 90% shaqaalahu ma helaan mushahar cayiman. Taa baddalkeeda, badankoodu wax ay maalin walba ka helaan quutal yoomka qeybta adeegga ama ganacsiga aan rasmiga ahayn gaar ahaan iibinta ama bixinta shaqooyinka farsamada gacanta.

Sidaas marka xaalku yahay garab raratada xoogsatada iyo muruq maalku ikhtiyaar uma laha in ay ku shaqeeyaan guryaha (Work at home) iyo in ay guriga joogaan (Stay at Home). Laba sababood dartoodba mida waa in aaney dadkani u shaqeyn shirkado iyo xafiisyo u sahlaya in ay guryaha  ku shaqeeyaan iyo tan ugu mudan oo ah in shaqadoodu ay ku saleysantahay isdhexgalka fool-ka fool-ka ah ee qulqulka macaamiishooda.

Ganacsatada yar yar ee dariiqyada wax ku iibiya wax ay door muhiim ah ka ciyaaraan dhaqaalaha qaranka. Sahamin bishii Nofeembar 2017 ay sameysay Shabakada SIHA ayaa lagu ogaadey in dakhliga miisaaniyada Dawladda Hoose ee Hargaysa 40% ilaa 65% uu ka yimaado cashuurta maalinlaha ah ee ay bixiyaan waaxda ganacsiga aan rasmiga ahayn ama ganacsatada danyarta ah ee waddooyinka wax ku iibiya.

Haddaba iyada oo marka horeba ay doodi ka taagantahay in goobaha ganacsiga aan rasmiga ahayn la xidho iyo kala fogaansha Bulsheed in ay ka dhaqan geli karto dalkeenna. Waxa ayaan daro ah in Dawladda Hoose ee Hargaysa ay Cagaf ku burburinso isha dhaqaale ee danyarta iyada oo u aragta in ay xal u tahay mushkiladda Covid-19. Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP) Boggiisa 24-aad waxa uu tilmaamaya in Dowladaha Hoose iyo Maamul daadejintu  ay yihiin jilayaasha ugu waa weyn ee Saboolnimda lagu yareynayo.

Sidaa daraadeed, arrinta ay tahay Masuuliyiinta Dawladdu in ay aad uga  fiirsadaan marka ay fulinayaan tallaabooyinka la xidhiidha kala Fogaanshaha Bulsheed iyo Handaraabku waa wax yeellada ka dhalan karta ee laga yaabo inay boqolaal kun ku riixdo xayndaabka saboolnimada, taasina ay ka sii darnaato saameynta caafimaad ee COVID-2019.

GUNAANAD

Guntii iyo Gabagabadii, Xukuumaddu si ay aafadan u xakameyso waa in ay kaashato xeeldheerayaasha bulshada oo ay ku jiraaan khubarada cudurada faafa iyo aqoonyahanada ku talaxtagay Cilmiga Dhaqaalaha oo si wada jira u wada shaqeynaya, waa in ay dadaal badan geliyaan sidii loo qiyaasi lahaa heerka saameynta dhimashada xanuunka COVID-19 iyo dhibaata dhaqaale ee ka dhalatey tallaabooyinka xakameynta iyo mustaqbalka saameynta tallaabooyinkaasi ku yeelan karaan caafimaadka iyo nolosha jiilka danbe. COVID-19 lama dagaalami karno haddii aynaan helin xogo-tafatiran oo lagu qaadan karo go’aamo midho dhal ah. Soomaaliduna wax ay tidhaahdaa “xog la helyaaba talo la hel.”

Ahmed Diini

Senior Economist

Hargiesa Somaliland

diini129@gmail.com

063-3030031/065303003

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap