Isbedbedalka coronavirus ee saynisyahannadu ku dawakheen

Maraykanka – (WARSOOR) – Cilmi baadheyaal Maraykan iyo Ingiriis ah ayaa ogaaday boqolaal isbedel oo ku dhaca fayraska kuwaas oo keena cudurka Covid-19.

Laakiin ilaa haatan midkoodna ma soo bandhigin waxa arintan ay ogaadeen uga dhigantahay in fayrasku ku fido dadka iyo wax tarka talaal yeelan karo.

Fayrasku wuu is bedbedelaa- waana dhalankiisa.

Su’aashu se waxay tahay: isbedelladaa ku dhaca fayrasku wax ma ka bedelaaan halista ama fididda cudurrada uu keeno?

Daraasad hor dhac ah oo Maraykanku sameeyey ayaa muujinaysa in isbedellada nooc ka mid ah oo la yidhaa D614G uu noqonayo nooca ugu badan oo ay suurto gal tahay inuu cudurka ka dhigo mid aad u fida.

Ilaa haatan daraasada lama soo hor dhigin saynisyahanno kale si rasmi ahna weli looma faafin.

Cilmi baadheyaal ka tirsan shaybaadhka Los Alamos National Laboratoy ee gobolka New Mexico, ayaa muddo la socday isbedello “xawli ah” oo fayraska u yeelay qaabkiisa u gaarka ah, waxaanay adeegsanayeen hab lagu la socdo xogta oo la yidhaa Global Initiative on Sharing All Influenza Data (GISAID).

Waxay ogaadeen in ay u badantahay in isbedelkan ku dhaca fayraska wax xidhiidh la lihi uu keeno inuu dhakhso u koro laakiin waxyaabaha ka dhalan kara habkan aanay weli caddayn.

‘Isbedelku sidiisa uma xuma’

Koox cilmi baadheyaal ah ayaa lafa guray xogta laga soo ururiyey bukaanka coronavirus ee magaalada Sheffield. In kasta oo ay ogaadeen in dadka fayrasku ku dhacay uu isbedel gaara ahi ku dhacay hadana aad moodo in fayrasku ku badan yahay muunadaha laga soo qaaday, laakiin cadayn umay helin in dadka noocaas ah cudurku ku cuslaa ama ay isbitaalka ku jireen mudo ka badan inta dadka kale.

Daraasad kale oo ay samaysay Jaamacadda University College London (UCL) ayaa lagu ogaaday in ay fayraska ku dhacaan 198 isbedel.

Khubarada daraasaddaa sameeyey midkood, Professor Francois Balloux, ayaa yidhi “isbedelladu sidooda uma aha wax xun mana jirto caday muujinaysa in SARS-CoV-2 uu isku bedelayo si ka dhakhso badan am ka gaabis badan sidii la filayey”.

“Ilaa haatan ma sheegi karno in SARS-CoV-2 noqonayo mid halistiisu yartahay ama la kala qaado”.

Daraasad ay samaysay jaamacadda Glasgow oo iyadna sidoo kale lafa gurtay isbedellada ayaa sheegtay in isbedelladaas aaanay muujinayan fayras nooc kale ahi inuu soo baxayo. Waxaanay gunaanadkii sheegtay in nooc ka mid ah fayrasku uu haatan yahay ka heliya ee socda.

In la ogaado isbedelka ugu yar ee ku dhaca fayrasku waxay ma huraan u tahay in la fahmo sida ugu haboon ee talaal loo samayn karo.

Tusaale u soo qaado fayraska hargabka: aad buu isku bedelaa waxaana qasab noqonta in talaallka hadba isbedelkaa ku dhaca fayraska sannad walba la waafajiyo si loola tacaalo nooca cusub ee fayraska soo baxa.

Dawo samaynta

Talaalo badan oo loogu talo galay Covid-19 ayaa haatan la wadaa oo lagu doonayo in wax lagaga qabto isbedelladan xawliga ah ee fayrasyada. Ujeedaduna waxa weeyi in jidhkaaga la ogolaysiiyo in uu dareemi karo maado gaar ah oo marka fayraskaasi isbedelayaa jidhka galo uu kula dagaalami karo fayraska oo dhan.

Laakiin hadii isbedelkaa xawliga ahi hadana isa sii bedelo, talaalkii marka hore la sameeyo wax tar weyn ma yeelanayo.

Haatan waxaas oo dhami waa hindise. Saynisyahanaduna ma hayaan xog ku filan oo ay ku cadayn karaan waxa isbedelladaa hidde sideyaasha fayrasku ka dhigan yihiin.

Dr Lucy van Dorp oo ka tirsan cilmi baadheyaasha UCL ayaa sheegtay in hadii la helo hab lagu lafa guri karo isbedellada hidde sideyaasha fayrasku “ay faa’iido weyn u yeelan doonto dedaallada lagu doonayo in dawo lagu sameeyo”.

Hase yeeshee waxay BBC-da ku tidhi “waan jecelahay cilmiga hidde sidayaasha fayraska, laakiin wax badan weli lagama fahmin”.

Xigasho: BBC SOMALI