Degdeg: Xulka Sucuudi Carabiya oo Karbaashay xulkii Argentine iyo Messi oo foorar garoonka kaga baxay!!

Xulka kubadda cagta waddanka Sucuudiga ayaa 2-1 ku garaacay dhiggooda xulka qaranka Argentine oo ka mid ahaa xulalka loo saadaalinayo koobkan adduunka in ay qaadaan.

Xiddigaha Saliim Al Dawsari iyo Saalax Al shahraani ayaa labada gool u dhaliyey Sucuudiga halka goolka madiga ah oo rigoore ahaa Messi haafka hore u dhaliyey Argentine.

Natiijada ciyaartan ka soo baxday ayaa lama filaan ku noqotay bahda la socota kubadda cagta meel kasta oo ay joogaan kuwaasi oo markii hore saadaalinayay in gelin horeba Sucuudiga lagu cabi doono, balse natiijada kulanka ayaa dhinaca kale isu rogay waxaana garoonka foorar kaga baxay Lionel Messi oo aan burkaba bahal ka deyin. Argentine ayaa labadooda kulan ee kale ee wareega koowaad la yeelan doona Poland iyo Mexico

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap