Waddan ciyaartoyda uga qeyb galeysa Koobka Adduunka soo diray iyagoo ay garab socdaan diyaaradaha Dagaalka

Kooxaha maanta ka ciyaaraya tartanka Koobka Adduunka ee ka socda Qadar waxaa ka mid ah xulka qaranka Poland oo qabsaday warbaahinta caalamka markii ay kasoo ambabaxayeen waddankooda.

Waxaa weli socota hadal-heynta ku saabsan sida ay dunida ula yaabtay qaabkii ay Xulka Qaranka Poland dalkooda uga soo baxeen markii ay ku wajahnaayeen magaalada Dooxa ee dalka Qadar, si ay uga qayb galaan tartanka Koobka Adduunka.

Diyaaradda ay la socdeen ciyaartoyda Poland oo soo duushay maalintii Khamiista ayaa la arkay iyadoo ay garbaha ka socdaan Diyaaradaha Dagaalka ee noocoodu yahay F-16.

Bogga rasmiga ah ee ay Kooxda Poland ku leedahay Twitter-ka ayaa lasoo dhigay Muuqaal laga arkayo Diyaaradaha F-16-ka oo garab socda diyaaradda rayidka ee ay ciyaartoydu saarnaayeen.

Waxaa xuduudda dhinaca koonfureed ee Poland naloo kaxeeyay annagoo ay na wehlinayaan diyaaradaha F-16,” ayaa lagu dul qoray muuqaalka.

Isla muuqaalka ayaa sidoo kale lagu qoray oraah loogu mahad celinayo duuliyeyaasha militeriga Poland ee howshaas fuliyay

Sawirro la shaaciyay ayaa sidoo kale muujiyay mid ka mid ah duuliyeyaasha diyaarad F-16 ah oo daaqadda shirka ku dhajistay calaamadda xulka Qaranka Poland.

Arrintan ayaa timid dhowr maalmood ka dib markii ay 2 qof ku dhinteen gantaal aan la ogeyn cid soo tuurtay oo ku dhacay Poland, xilli uu gobolkaas ka socdo dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine.

Tan iyo markii uu dhacay khasaaraha gantaalka, militeriga Poland ayaa ku jiray heegsan sare. Warbaahinta Poland ayaa si weyn u baahisay tallaabada ay militeriga u qaadeen difaacidda kooxda Qaranka ee u safartay Qadar.

Koobka Adduunka ee Qadar

Xulka Poland ayaa caawa fiidkii, marka ay saacadda Afrikada bari tahay 7pm waxa ay la ciyaari doonaan kooxda Mexico oo ka socota Latin America.

Afar maalmood ka dib waxa ay Poland ka hor tegi doonaan xulka qaranka Saudi Arabia oo ay isku guruub ku jiraan.

Poland waxa ay ka mid tahay kooxaha ugu cad cad guruubka C, oo ay sidoo kale ku jirto kooxda Argentina.

Kulanka ugu dambeeya ee heerka guruubyada ayey xulka Poland ciyaari doonaan 30-ka Bishan, markaas oo ay wajihi doonaan Argentina oo uu horkacayo Lionel Messi.

Xiddigga kooxda Barcelona Robert Lewandowski iyo saaxiibbadiis ayaa doonaya in ay kooxdooda u gudbiyaan heerka kala haritaanka ee Koobka Adduunka, haddii ay ku guuleystaanna waxa ay noqon doontaa markii ugu horreysay ee ay heerkaas gaaraan tan iyo sanadkii 1986.