Tababaraha guusha la saaxiibka ah

Herve Renard waa tababaraha Xulka qaranka Sucuudiga kuwaas oo maanta guul laga ashqaraaray ka soo hooyey lugtoodii koowaad ee Cayaaraha Koobka Adduunka.

Herve Renard wuxu hore u soo noqday tababarihii xulka Qaranka Zambia oo sannadkii 2012 kii qaaday Koobka Qaramada Afrika.

Wuxu kaloo soo noqday tababarihii xulka Qaranka Ivory Coast oo iyaguna sannadkii 2015 kii ku guulaystay Koobkii Qaramada Afrika.

Mallaga yaabaa in tababare Herve Renard uu sannadkana xulka Sucuudiga la qaado Koobka Qaramada Adduunka oo maantaba ay la soo bexeen cayaar Dunida kaga yaabisay?