Muqdisho (warsoor) Ciidamada dowlad gobaleedka Soomaaliyeed Puntland ayaa dib ula wareegay degmada Qandala ee Gobalka Bari ka dib markii ay ka saareen maleeshiyada Argagixisada ah ee Daacish.
Ciidamada ayaa weerar labo dhinac ah ku qaaday degmadaan, iyaga oo ka galaya dhinaca Badda iyo Bariga, waxaana sidoo kale halkaas maleeshiyada ay ku gaarsiiyeen Khasaaro badan.
Maleeshiyada Daacish ayaa qabsaday magaalada Qandala bishii October 26-keedii, iyadoo aan wax iska horimaad ah ka dhicin xiligaas.
Faah faahin dheeraad ah goor dhow la soco.
Xigasho: sonna
This post is also available in:
Somali