Madaxweynaha JFS oo furay shirka madasha wadatashiga Qaran

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha J.f Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay shirka madasha Wadatashiga Qaran, kaas oo looga hadlayo doorashooyinka dalka ka socdo iyo sidii loo dadejin lahaa dhammeystirkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa furitaanka shirka khudbad ka jeediyey, waxa uu ka hadlay doorashooyinka Barlamaaniga ah ee gabo-gabada maraya iyo sida habsamida leh ee ay u socdaan qaarna ku soo dhammaadeen,  waxa uu sheegay in guul weyn ay gaartay Soomaaliya.
“waxaan u mahadcelinayaa dhammaan dowlad gobolleedyada iyo hoggaamiyeyaashooda, guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban, guddiga Amniga Qaranka ee Doorashooyinka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo si xasilooni leh uga qeyb-qaadanaya doorashooyinkaas Qaran, waxaan sidoo kale boggaadinayaa doorashooyinka Barlamaaniga ee  gobollada Waqooyi oo Muqdisho ka socda,  waa wax lagu faani karo ilaa hadda natiijooyinka ka soo baxay ee qabsoomidda doorashooyinkaasi” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda.
 madaxweyne-xasan
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in shirka madasha ay hoggaamiyeyaasha uga arrinsan doonnaan sidii loo meelmarin lahaa dhammeystirka doorashooyinka, sida midda madaxweynaha, guddoomiyaha Barlamaanka iyo ku xigeennadiisa, madashu waxa ay mar walba u taagan tahay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo in xal laga gaaro haddii ay jiraan khalaad dhacay, waxaana rajeynayaa in shirkaan uu noqdo mid jawi deggan ku soo saara go’aanno dhaxal-gal u ah shacabka iyo dalkuba ayuu raaciyey madaxweynaha hadalkiisa.
Shirka waxaa joogey, xubnaha  beesha caalamka oo uu u horreeyo Ergeyga Q.M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.
Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.