Doorashada Aqalka Sare oo Muqdisho ka bilaabanaysa

Muqdisho – (warsoor) –  Guddiga fulinta ee doorashooyinka Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS ee u gaarka ah Goballada Waqooyi ayaa ku dhawaaqay in doorashada xubnaha Aqalka Sare ay bilaaban doonto berri oo Khamiis ah taariikhduna ay ku beegantahay 08/12/2016. Saacadu markay tahay 10-ka Subaxnimo.

Doorashada ayaa waxay ka dhici doontaa xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho sida Guddigu ay shaaciyeen.

Wuxuu sidoo kale guddigu uu sheegay in doorashadaan ay ka qaybgali doonaan oo kaliya Xubnaha buuxiyay shuruudaha Musharaxnimo ee doorashada Aqalka Sare.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa haatan waxaa si habsami leh kaga socota Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

baarlamaanka

Dowlad gobaleedyada Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa soo gaba gabeeyay Doorashooyinka Golayaasha Qaranka, iyadoo sidoo kale heer gabo gabo ah ay marayaan doorashooyinka wali ka soccda magaalooyinka kale ah ee dalka.

Doorashada Sanadkaan wali ku socota si nabad galyo ah ayaa muujinaysa hormarka iyo isbadalka ay soomaaliya gaartay, iyadoo qorshuhu uu yahay in marka la gaaro 2020-ka ay soomaaliya ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.