HADDII AAD IMIKA JAAMACADDA BILAABAYSO AMA QOF AAD TALO GAADHSIIN KARTAA UU BILAABAYO

Waxaa inoo bilowday sannad dugsiyeedkii cusbaa ee 2022/2023, waxaa marxaladdii waxbarasho ee dugsiyada soo dhammaystay arday badan oo hadda isu diyaarinaya jaamacadda.

Waxaa waajib ah in arday kastaa uu ogaado in heerka jaamacaddu uu aad uga duwan yahay waxbarashadii dugsiga; waxaa ku qasbayey oo arrimahaaga oo dhan maamulayey waalidka ama ciddii kale ee masuulka kaa ahayd, macallimiinta qudhooduna si adag ayaa ay kula xisaabtamayeen oo waajibaadka waxbarasho iyo imaanshiyahaaga dugsigaba si dhow ayaa ay ula socdeen.

Jaamacaddu sidaas ma’aha! Waxa aad markii ugu horreysay si buuxda uga masuul noqonaysaa waxbarashadaada, iyo xitaa naftaada. Saacadda aad tegeyso, waxa aad baranayso, halka aad doonayso in aad ka gaadho waxbarashada, mihnadda iyo xirfadda aad naftaada la jeceshahay iyo jidka aad u marayso gaadhista yoolkaagaba adiga ayaa jaangoynaya. Waa masuuliyad laba af leh oo haddii aad si sax ah u maaraysana guul bilowgeed kuu noqonaysa, haddii aad la hallowdana mustaqbal madow kugu hagaysa.

Haddii aad tahay arday marxaladdan xasaasiga ah hadda bilaabaya, haddii aad waalid u tahay arday bilaabaya, iyo haddii aad meel uun talo ka gaadhsiin karto ardayda marxaladdan gelaysaba qormadan akhri oo talooyinka ay xambaarsantahay sii faafi.

1. TEERAMKA KOOWAAD WAA SEESKII EE ISKA ADKEE:Waxa ay xeeldheerayaasha waxbarashada iyo barbaarintu aaminsan yihiin in teeramka koowaad ee jaamacaddu uu yahay seeskii ay qaybaha dambe oo dhami ku dul dhismayeen. Tusaale ahaan, haddii wadarta guud ee imtixaanka teeramka koowaad aad keento natiija u dhiganta shan meelood saddex ama boqolkiiba 60 iyo ka yar, xaalkaagu aad ayuu u adagyahay, waxaana hubaal ah in sannado adag oo dambe ku sugayaan, takhasus fiican oo aad diyaarisaana kugu adkaan doono. Halka haddii aad keento Shan meelood afar iyo badh ama boqolkiiba 85 illaa 90, ay bidhaan u tahay guul aad ka samayn doonto waxbarashada mustaqbalka, iyo in aad heer dhexdhexaad ah ku sii wadan karto waxbarashadaada.

Mar kale natiijada aad ka gaadho imtixaanka guud ee Teeramka koowaad ayaa jaangoynaysa takhasuska aad mustaqbalka guul ka samayn karto. Ku dadaal in teeramka koowaad aad geliso dadaal badan oo sees adag kuu noqda.

2. WAX ISBAR: Jaamacad baan bilaabay macnaha koowaad ee ay leedahay waa in aad ka soo baxday xilligii qalinka iyo hoggaanka waxbarashada laguu hayey, hadda kaddibna tilmaam uun macallinku ku siin doono, balse ay adiga kuu taallo hawshan miisaankeedu, lagaana rabo in aad wax is barto.Ku dadaal sidii aad u noqon lahayd qof naftiisa ku tiirsanaan kara, xitaa maaddooyinka qaarkood isagu is bari kara Macallin la’aan. Haddii aanad sidaas yeelin saadaasha waxbarashadaada mustaqbalku ma fiicna.

3. AFKA INGIRIISIGA: Barashada iyo ku xeeldheeraanta afkaaga hooyo waa muhiim, waana sababta ay waxbarashada dugsiga hoos ugu fiican tahay in afka hooyo lagu dhigto. Laakiin ma ogtahay in carro-edegeynta (Globalization) adduunka maanta ka jirtaa ay abuurtay isdhexgal bulsho, dunidiina ay ku socoto in ay af Ingiriisiga isku wada fahamto. Ma se la socotaa in horumarka sayniska iyo teknoolajiyadda, ganacsiga iyo dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo guud ahaan dhinacyada nolosha ee maanta la gaadhayaa uu gebi ahaantiiba ku diyaarsan yahay afka Ingiriisiga. Waa sababta aan hore ugu idhi, afka Ingiriisigu waxa uu ku sii siqayaa in uu noqdo cilmi ay tahay in iskii loo barto.

Ku dadaal in aad muhiimad xooggan siiso Barashada afka ingiriisiga, weliba waqtigan aad jaamacadda bilowday, ku hadalka waxaa kaaga sii muhiimsan Barashada xeerarka iyo hab qoraalka afkan iyo fahamka akhriskiisa, Af kasta oo ay barayaasha jaamacaddu duruusta ku sharraxayaan, haddana afka ugu badan ee ay koorsooyinka ama ugu yaraan tixraacyadu ku diyaarsan yihiin waa Ingiriisi. Waxa intaas dheer in Afka Ingiriisigu uu aasaas u yahay shaqadaada mustaqbalka iyo mihnadda aad noloshaada ugu talagashay nooc kasta oo ay tahay.

Haddii aad dareensantahay in jaamacadda aad dhigataa aanay luuqaddaada Ingiriisiga dhisayn, ku dadaal in aad meelo kale ka barato koorsooyin dheeraad ah oo afka Ingiriisiga ah, adiga qudhaaduna dadaal geli in aad is barto.

LA SOCO…

Source: Kamaal Marjaan