Baanka Premier Bank Oo Soo Bandhigay Adeegga Automated Teller Machine (ATM)

Hargeysa – (warsoor) – Baanka Caalamiga ah ee Premier Bank ayaa magaaladda Hargeysa ku daahfurey adeega Automated Teller Machine (ATM) ama mishiinka lacagta laga baxo kaasi oo u suurto-galin doona dadka isticmaala Master ama credit-kaadhu inay kala bixin karaan lacagahooda.

Munaasibadda daahfurka Adeegan ATM oo ka dhacday maanta Isniin ah huteel Ambassador ee magaaladda Hargeysa, waxaana xafladaasi ka soo qaybgallay Agaasimaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdilaahi Xasan, Masuul ka socda baanka Cusub ee Premier Banka Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi  Jibriil iyo dad Qurbojoog ah oo soo dhoweeyey furitaanka adeegam Baankan cusub.

Baanka_premier

Ugu horeyn, Dr. Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi JIbriil ayaa ka warbxiiyey Premier Banka sida uu u shaqayn doono iyo fursadaha uu dadka u leeyahay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay, “Premier Bank waa baan islaami ah oo ka diiwaangashan rusqadna ka haysta baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland.Premier Banka waxa uu maanta oo taariikhdu tahay 03/05/016 si rasmi ah uga daahfurnay bulshadda Somaliland markii ugu horeysay adeegyadda Mastercard iyo VISA, isagoo keenay mishiinka lacagta lagla baxo ee loo yaqaan Automated Taller Machine (ATM), kaas oo la jaanqaadaya siyaasadda baanka iyo ujeedooyinka baanka dhexe ee Somaliland oo ku salaysan in la xoojiyo isticmaalka habab lacag bixineed oo casri ah oo kaadhadhka caalamiga ahina ka mid yhiin”.

Isagoo hadalkiisa sii wadddata waxaa uu yidhi, “Adeega noocan ahi wuxuu u sahli doonnaa qurbo jooga ku nool dalka dibadiisa iyo socotadda Ajanabiga ah inay si fudud u heli karaan lacagahoodda ugu jira Baananka caalamiga ah marka ay socdaal ku yimaadaan Somaliland, sidoo kale, waxa uu door laxaad leh ka qaadaan doonnaa in ardaydu iyagoo dalkoodda jooga jaamacaddo caalami ah wax ka baran karaan, dadweynaha kalena ay si fudud uga adeegan karaan suuqyadda caalamiga ah ee Internetka.”

Agaasimaha Baanka dhexe Somaliland Cabdilaahi Xasan Aadan ayaa daahfurkan hadal ka jeediyey waxaanu yidhi, “Maanta waxaanu halkan ku daahfureyna adeeg cusub oo ay dalka ku soo kordhiyeen Premier Bank, waxaanu Baanka dhexe Liisanka siiyey Bishii January, 2016-ka, waxaanay buuxiyeen dhamaan shuruudihii looga baahnaa Baan ganacsi ah oo  islaami ah, waxaanu ku faraxsanahay in shaqadoodii ku bilaabaan adeeg cusub oo aan dalka hore uga jirin oo ay soo kordhiyaan, wuxuu ku shaqayn doonnaa ATM oo ah mishiinkan uu qofku isagoo kaadhkiisa sita Master Cardka ama Visa uu lacagtiisa kala bixi karo, adeegan waxa isticmaali kara ardayda jaamacadaha ku jira oo Buugaagta ay u baahan yihiin ku iibsan kara, socotadda dalka yimaada ee qurba joogta iyo Ajanabiga dalka yimaadaba iskugu jira.”

Yaasiin Sheekh oo ka mid ah Qurbe-joogta Somaliland ee dalka ku sugan ayaa isla goobta lacag kala baxay, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay in Hargeysa dhexdiisa uu baankii caalamiga ahaa ugu yimaaddo, isla markaana hadba inta aad doontid kala bixi kartid lacagta aad doonayso.

Isagoo ka hadlay muhiimadda ay u leedahay inuu Helo AMT, waxaa uu yidhi, “Haddii aanu qurbo jooga nahay halka ATM ka heli jirnay waxay ahayd Dubia, waxa nasiib wanaag ah in Hargeysa dhexdeedda ka helnay Premier Bank, waxaanu kaga maarmayna xawaaladihii iyo haddii lacag faro badan laguu soo diro waxay leedahay khatarteeda, Laakiin Baankan kolba inta aad doonto ayaad kala baxaysa”ayuu yidhi Yaasiin Sheekh oo isla dadkii hortiisa lacag kala baxay Premier Bank ATM.

Si kastaba ha ahaatee, Premier Bank oo ah mid ganacsi oo caalami ah, ayaa dadweynaha reer Somaliland ugu bushaareeyey in Somaliland u daahfuray adeega ATM, isla markaana uu yahay Baan ganacsi oo islaami ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.