Ma Aqoon Baydaan u laheyn!!!!!

Anderson Cooper waa suxufi maraykan ah oo dhashay sanadkii 1967 waxaa waxbarashada ku qaatay magaalada Newyork, waa soo saaraha barnaamij ka baxa TVga CBS.

Suxufigani waxaa uu dhawaan yimid Somaliland waxaanu la kulmay madaxwaynaha Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay oo markii dambena ay madaxtooyadu warsaxaafadeed kasoo saartay oo ay bulshada u sheegtay in suxufigani iyo wefti uu la socday dalka ay u yimaadeen hawlo shaqo.

DSC_0119

Marka laga yimaado hawsha uu dalka u yimid oo aan bulshada loo sheegin, shakhsigani waa nin Guursaday ama qaba nin la jinsi ah (Gay) waana qof u ololeeya inay is guursadaan oo ay isqabi karaan dadka isku jinsiga ah.

Hadaba su’aasha iswaydiinta leh waxay tahay Somaliland oo 100% bulsho muslim ah muxuu kasoo doonay oo uu u yimid qofka caynkan oo kale ah?Maxay uga hadli waayeen Culimada dalka oo ay bulshada uga wacyi galinwaayeen shakhsiyaadka noocan oo kale? Miyaa laga baqayaa? Madaxdeenu maxay u jeclaysanayaan inay soo dhaweeyaan oo ay dalka keenaan qofkan oo kale? Miyaanay ogeyn in ILAAHAY ugu cadhoonayo?

Sanadkii hore 8 August ayay ahayd markii gabadh dumar ah oo u ololeysa in dadka isku jinsiga ahi is guursadaan dalka timid oo sidan oo kale loo soo dhaweeyay,  bulshadeenan muslimka ahi cid walba maan soo dhaweysanaynaa? Miyaanay  dhici Karin in bulshadeenan faqrigu hadheeyay la inoo soo maro oo lagu  dago baahida haysa dabadeedna lagu faafiyo dhaqankan foosha xun.

Waxaan leeyahay umada haloo sheego qofka caynkan oo kale sababta loo soo dhaweynayo, culimadana waxaanu leenahay bulshada ka wacyi galiya dhaqanada foosha xun ee xukuumadu ku kacayso, dadka noocan oo kale ahna yaan bulshada loo keenin oo dalka lagaga nijaasayn.

W/Q:Ilyas Abdi Ali

Ilyasdabe1994@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.