Wararkii ugu dambeeyay mas’uuliyiin ku dhintay Qaraxyo lagu weeraray Xerada Lama-galaay

Beledweyne – (WARSOOR) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxyo Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in qaraxyada oo loo adeegsaday gaari weyn oo nooca Sooaalida u taqaano U.D, waxaana ku naf waayay dad gaaraya 10 ruux oo ay ku jireen mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabelle iyo maamulka gobolka Hiiraan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gudoomiye kuxigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda gobalka Hiiraan Abuukar Maadeey iyo wasiirkii Caafimaadka Hirshabeelle Dr. Zakariye Hurre la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxyada maanta lagu weeraray caasimadda gobalka Hiiraan.

Weerarkan ayaa kusoo aaday saacado kadib markii dowladda sheegtay in duqeyn lagu dilay ninka 3-aad ee ugu awooda badan Shabaab, kaasoo loo yaqaanay Nadiir waxaana lagu dilay weerar dhinaca cirka ah oo ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe