Puntland oo soo bandhigtay waxyabaaha ay ku diidan tahay dowladda dhexe

Garoowe – (warsoor) – Xasan Shire Abgaal Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa sheegay in qodob Dastuuriya uu Puntland xaq u siinayo in ay ka go’do Soomaaliya, haddii la waayo dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaam Federaal ah.

Waxaa uu xusay in Puntland aysan marnaba aqbali doonin wax ka hooseeya dowlad Soomaaliyeed oo Federaal ku dhisan ,islamarkaana ilaalisa wixii lagu heshiiyay.

Xasan Abgaal, ayaa sidoo kale caddeeyay in Puntland ay ka go’i doonto Soomaaliya, haddii laga quusto nidaam dowladeed oo ku salaysan Federaal, kaas oo waxna la wadaago waxna la kala leeyahay.

Waxaa uu ku adkeystay in Puntland ay doonayso dowlad goboleedyo dhisan iyo dowlad dhexe wax wadaag laakiin aysan doonin hal qof wuu wax xukumo si dalka loo burburiyo